Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya oo Degaanka Masakawaay ka Fuliyay Weerar

0
Tuesday June 21, 2016 - 20:25:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya oo Degaanka Masakawaay ka Fuliyay Weerar

    Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay Degaanka Masakawaay ee Gobolka Galgaduud oo ay Fariisin ku leeyihiin Maleyshiyada Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay Degaanka Masakawaay ee Gobolka Galgaduud oo ay Fariisin ku leeyihiin Maleyshiyada Al-shabaab.

 

Degaanka Masagawaay ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Sida gaarka ah u Tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Maleyshiyaad tirsan Al-shabaab.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa Howlgalka ku dilay ku dhawaad 10 Maleyshiyaad ah sidoo kale waxa halkaasi lagu burburiyay Saldhig ee Maleyshiyada Al-shabaab ku la hayeen Degaanka Masakawaay ee Gobolka Galgaduud.

Meydadka Raggii ka tirsanaa Al-shabaab ee Howlgalka lagu dilay ayaa la geeyay Degaanka Galcad Gobolka Galgaduud oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer Hore fuliyay Weeraro iyo duqeymo lagu dilay Horjogayaal iyo Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip