Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Askar ka tirsan AMISOM

0
Sunday June 05, 2016 - 15:31:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Askar ka tirsan AMISOM

    Ciidamada hay'adaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaa oo iibinayay qalbka loo keeno ciidanka AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada hay'adaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaa oo iibinayay qalbka loo keeno ciidanka AMISOM.

Ciidamada ayaa Askarta iyo dadkaan waxay kasoo qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho Xiligaasi oo ay ku howlanaayeen iibinta qalabka ciidamada Amison loo keeno.


Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa wuxuu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.



"Waxaan ku qabanay Alaabo badan oo ay Iibinayeen kuwaasi oo ka mid ah qalabka AMISOM, waxaana ku jira Jawaanada Difaaca, Telephone-no, Sanduuqyada Rasaaska lagu qaato, Shidaal badan iyo Alaabo kale.” Sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa asna dhankiisa sheegay in ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay sharciga la horkeeni doono, wuxuuna ciidanka amaanka ku amaanay talaabadaan ay qaadeen.


Ugu danbayntii Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowlada Soomaaliya.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip