Rag xalay Hoobiyaal kusoo tuuray degmada dharkeyleey oo Gacanta lagu soo dhigay

0
Sunday June 05, 2016 - 09:31:40 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag xalay Hoobiyaal kusoo tuuray degmada dharkeyleey oo Gacanta lagu soo dhigay

    Ciidamada hayadaha Amaanka ee dowlada fadareelka soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay mid ka mid ah maleyshiyo hubeysan oo xalay hoobiyaal ka tuuray degmada dharkeylay ee gobolka banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada hayadaha Amaanka ee dowlada fadareelka soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay mid ka mid ah maleyshiyo hubeysan oo xalay hoobiyaal ka tuuray degmada dharkeylay ee gobolka banaadir

Afayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhagar qabahaani ay baacsadeen ciidamada geesiyaasha qaranka isagoona markii dambay ay ciidamada gacanta kusoo dhigeen

"labo Hoobiye ayaa laga soo tuuray meel duleedka degmada Dherkenley ka tirsan, Ciidamada ayaa ka war helay halka ay ka soo dhacayeen, kadib waxa ay ceyrsadeen kooxdii waxa ay soo qabteen mad kamid ah kuwii labada Hoobiye soo riday, mana jiraan wax qasaare ah oo ay geysteen oo waxa ay ku dheceen meel Kaawada laga qodo oo ah dhul bannaan ciidamadane waxa ay wadaan waqti walba howlgalo lagu sugayo amniga caasimada muqdisho’’’’

Afhayeenka AMISOM Joe Kipet oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa beeniyay wararka sheegay in xalay hoobiyaal lagu garaacay xarunta ciidamada Nabad ilaalinta u jooga soomaaliya ee Xerada Xalane

"Waan Maqalnay Jugta Madaaficda, laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa in Saldhigga AMISOM ee Xalane aysan waxba ku soo dhicin, waana been haddii la sheegay in Saldhiggeena madaafiic lala soo beegsaday” ayuu yiri Joe Kipet.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Xoojiyay Sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamo la dhigay daafaha Magaalada, kuwaas oo la socda dhaqdhaqaayada dadka soo galaya magaalada Muqdisho Ama ka baxaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip