Taariiq Nololeedkii Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay

0
Saturday June 04, 2016 - 18:00:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariiq Nololeedkii Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay

    Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, halkaasoo khamiistii la dhigay, markii xaalad deg deg ah soo wajahday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, halkaasoo khamiistii la dhigay, markii xaalad deg deg ah soo wajahday.

Maxamed Cali Kalaay oo 74 jir ahaa ayaa dhowr jeer ku guuleystay Suunka feerka Miisaanka culus ee adduunka, waxaana u geeriyooday cudur xaga sambabaha kaga dhacay.

Carruurtiisa ayaa sheegay in ka hor inta aan isbitaalka ay arkeen, neefsashada oo aad ugu adkeyd, taasna xaaladiisa adkeysay, isla markaana Isbitaal ula carareen.

Mr Kalaay ayaa muslimay sanadkii 1964, xilligaasoo markii u horeysay ku guuleystay abaal marinta biladii caalamiga ah ee feerka.

Waxaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, sida ay sheegeen eheladiisa.

Maxamed Cali Kalaay ayaa ka mid ahaa feeraryahanadii ugu caansanaa ee soo mara Mareykanka iyo Adduunka, iyadoo lagu xusuusto xeeladihii uu u feertami jiray.

Taariiq Nololeedkii Maxamed Cali Kalaay

Maxamed Cali waa feeryahan caan ah oo u dhashay dalka maraykan. Maxamed Cali oo dadka soomaaliyeed u yaqaanaan magaca "Maxamed Cali Kalaay” ayaa taariiikhdu markay aheyd 17.January 1942 ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ku yaal Koonfurta Mareykanka.

Kalaay oo ka dhashay qoys heysta Diinta Masiixiga ayaa waxay waalidkiisu ugu wan qaleen magaca Cassius Marcellus Clay jr. M. C. Kalaay waxa uu ku guulaystay Tartanka Feerka Miisaanka Culus tiro sadex jeer ah. Sidoo kale waxuu muddada 20-ka sanno ah ee uu ku dhex jiray Cayaaraha Feerka ku guuleystay inuu noqdo Horyaalka Aduunka sanadaha 1964, 1974 iyo 1978. Sanadkii 1999 ayaa Kalaay loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Caalamka soo mara Qarniga 20aad.

Maxamed Cali Kalaay waxa uu caan ku ahaa goysmada ama gasta faraha badan taas oo dhib u keeni jirtay feeryahanada isaga la tartama. Waxa kale uu Kalaay ku caan baxay intii uu feerka ku dhex jiray feerka deg-dega ah.

Qaadashada Diinta Islaamka

1964kii ayay ahayd markii ugu horaysay uu Kalaay si la yaab leh uga guulaystay Feeryahanka ahaa Horyaalka Miisaanka Culus ee lagu magacaabi jiray Sonny Liston. Waxuuna Kalaay isla mar ahaantaas la wareegay Suunka cadeynta u ah in uu noqday Horyaalka Aduunka ee Feerka Miisanka Culus. Kalaay oo markaa da’diisu ahayd 22 sanno ayaa noqday Feeryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta Suunka Feerka Miisaanka Culus ee taariikhda aduunka soo mara.

Muddo yar ka dib markii Kalaay uu noqday Horyaal ayaa waxa uu si lama filaan ah warbaahinta Caalamka uga sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka. Sanadkii 1965 markuu Kalaay si rasmi ah ugu biiray Diinta Islaamka ayaa waxuu magaciisa hore ku bedelay magaca islaamka ah ee Maxamed Cali.

Kalaay waxa uu qaatay Diinta Islaamka isaga oo aan ka laheyn wax dan qaas ama qarsoon. Waxaana xataa dhici kartay inuu Kalaay talaabadaas ku waayo taageerayaashiisa aad ka u tira badnaa. Laakiin waxa dhacday taasi bedelkeed oo ah in taageerayaasha iyo shacbiyadda uu Kalaay ku lahaa gudaha dalka Mareykanka iyo Caalamka intiisa kaleba ee aad u sii kordheen.

Dagaalkii Vietnam

Sanadkii 1966kii ayaa Maxamed Cali Kalaay laga qaaday imtixaan ku saabsan cafimaadkiisa, waxaana la sheegay inuu ka qeyb gali karo dagaal ay Dowlada Mareykanka qeyb ka aheyd oo xilligaa ka socday dalka Vietnam. Taasina waxay la macno ahayd in haddii uu Kalaay dagaalka ka qayb qaadanaayo uu guud ahaan ka tago feerka iyo waxbarashaddiisa kaleba.

Laakiin Kalaay oo lagu yaqaan dhiiranaan badan ayaa qaadacay arrinkaas oo waa uu diiday inuu dagaal la galo sida uu hadalka u dhigay dad masaakiin ah oo u dhashay dal ka tirsan dunida soo koraysa. Kalaay waxa uu sidoo kale si cad u sheegay in uu gebi ahaan ka soo horjeedo dagaalka Maraykanka ay ku qaadeen Vietnam oo masaafo ahaan aad uga fog dalka Maraykanka, waxuuna sheegay in dagaalkaas uu yahay mid gardaro ku ah shacabka reer Vietnam.

Markii Laga Qaaday Suunka

Sanadkii 1967 oo ahaa markii Kalaay uu gaaray guulihii ugu badnaa ayeey dawlada Mareykanku ka xayuubisay Suunkii Horyaalka Feerka Miisaanka Culus ee Aduunka. Sababtoo ah waxaa Kalaay lagu soo eedeeyay inuusan wadani aheyn bacdamaa uu diiday ka qayb qaadashada dagaalka ka socda dalka Vietnam. Muddo dhan 3 sanno Kalaay kama uusan qeyb gelin wax tartan-feer ah, laakiin waxa uu feerka mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1970.

Sannadkii 1967 waxaa cirka isku shareeray dagaalkii Vietnam ee mareykanka uu ku lug lahaa waxaana markaas Maxamed Cali Kalaay loogu yeeray in uu shaqada qaranka ka qayb qaato. Kalaay taas wuu diidey asagoo sheegay cudur daar diineed awgeed in uusan dagaalka u aadayn. Waqtigaas wuxuu ahaa imaam Muslim ah. Diidmadiisu waxay dhalisay hal ku dhegga caanka ah ee Cali oo ah "I aint got no quarrel with them Vietcong” – [wax muran ah nagama dhexeeyo anigu iyo iyaga vietnam].

Hal ku dhegaas wuxuu dhalliyey in dhammaan gobolada maraykanka ay waxba kama jiraan ka dhigeen shatigii feerka ee Maxamed Cali Kalaay. Feerkii ugu dambeeyey sannadkii 1967 ayaa waxaa dhacday in ninkii la feertamayey oo ahaa Ernie Terrell uu ugu yeray "Clay”, markas ayaa Maxamed Cali intuu soo boodey ku yiri "Waa maxay magacaygu?!!”

 

Markaas ka dib Maxamed Cali Kalaay wax feer ah kama qayb qaadan muddo laba sano iyo bar ah waxaana laga xayuubiyey biladihiisii, waxa laga qaaday Basaboorkii, waxaa laga masaxay shatiyadii feerka. Waxaana uu qarka u saarnaa in xabsi 5-sano ah lagu xukumo. Xilligaas wuxuu Maxamed Cali Kalaay lacag ka samyn jirey hadalka uu ka jeediyo meelaha machadyada ah. Waxaana uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo heerkaas qaranka mareykanka joogey oo kasoo hor jeesta dagaalkii Vietnam.

Kusoo Laabashadii Masraxa Feerka:

Sannadkii 1970,kii ayuu mar kale Maxamed Cali kusoo laabtay masraxa feerka, xilligaas oo aragtidii dagaalka ee Vietnam isbedeleysey, waxaana uu markaas magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia kula feertmay Jerry Quarry.

Kaddibna feerkii loo bixiyey ‘dagaalka’ ayaa dhexmaray Maxamed Cali iyo Joe Frazier oo ahaa horyaalka feerka ee aan laga guulaysan, feerkaas oo ka dhacay barxadda loo yaqaan ‘Madison Square Garden’ maalintii ay taariikhdu ahayd Bishii Maarso 8,deedii Sanadkii 1971,kii feerkaas oo Maxamed Cali Kalaay looga guulaystey.

Laakiin bilo kadib ayuu ku guulaystey dagaalkiisii ugu weynaa oo ahaa in maxkamada sare ee dalka mareykanka ay baabi’isay dembigii ku oognaa, taasnina waxay kalaay markale awood u siisay in uu u safri karo wadankii uu doono si uu uga qayb qaato tartanada feerka adduunka.

Dhawr feer ayaa taas ku xigey, waxaana ka mid ahaa feertankii aan la fileyn in Maxamed Cali looga guuleysandoono ee Ken Norton iyo guushii aan la fileyn in uu Cali ka gaaray Joe Frazier. Laakiin dhammaan feerkaasi waxay ahaayeen kuwo hor-dhac u ah tartankii ugu weynaa ee intii Maxamed Cali ku soo jirey feerka, kaas oo loo bixiyey ‘Gurxankii kaynta’ ee uu la yeeshey George Foreman oo ahaa hormuudka feerka ee laga biqijirey.

George Foreman oo lahaa gacmo aad u xoogbadan oo wax burburinaya, waxana uu ahaa midkii sida fudud uga guulaystey Ken Norton, isla markaasna halka feer dhulka kula dhigay Frazier.

Feertankii Lagu Qabtay Dalka Zaire.

Ninka qaban qaabiya ciyaaraha feerka ee la yiraahdo Don King ayaa sheegey in labada feeryahan ee maxamed cali kalaay iyo George Foreman ay ku feertami doonaan dalka Zaire ee khaarada afrika waxaana uu feeryahanada u ballan qaaday lacag aan horay loo maqal oo gaareysa 10 million oo dollar.

Maxamed Cali markuu uu tegey caasimada Kinshasa, dadkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka helay dhiiri gelin aad u sareysa, aad ayaana halkaas looga jeclaa. Marka uu feertamayo waxay ugu dhawaaqyeen "Ali Bomaye!” oo ah afka reer Zaire taas oo la macne ah "Cali ninka dil”.

Maxamed Cali Kalaay markii uu isu diyaarinayey Feerkii ‘Gurxankii kaynta’ ee u la feertamayey Foreman, Cali dhakhtarkiisii wuxuu u sii diyaariyey diyaarad markiiba u qaada cusbitaal ku yaal dalka Spain oo qaabilsan neerfayaasha. Laakiin makaas kalaay fikrad kale ayuu maskaxda ku haystey,

Taas oo ahayd in uu garwaaqsaday in waqtiga uu la feertamayo Foreman uusan sidii hore u ciyaari karayn, lakiin wuxuu markiiba alifay habka loo yaqaan ‘Xariga-ku gambo inta qofka kale tabartu ka dhammaaneyso”, taas oo dadkii geeska Cali xigey ay yiraahdeen ‘waar Caliyoow xariga ka fuq’, laakiin Maxamed Cali arintaas wuu ku adkaystay, toddobadii wareeg ee u horeeyeyna sidaas ayuu xarigga ugu gabanayey, laakiin markii la gaarey wareegii siddeedaad oo uu Foreman daalay ayuu Cali inta uu xarigii sii daayey uu feer dadkii ka fajiciyey dhinaca ugu tuuray Foreman, sidaasna uu kalaay mar kale ku noqday Boqorka feerka dunida.Sidaas ayuuna Maxamed Cali kalaay ku noqday mid feerka looga dambeyn jirey.

Gabagabadii Halyeyga feerka dunida Maxamed Cali Kalaay wuxuu ku guulaystey feerka 56 jeer, taas oo 37 ka mid ah uu dhinaca feer ugu tuuray qofkii la feertameyey, 5 jeer ee kalena uu si caadi ah uga guulaystey.

Feeryahan Maxamed cali kalaay waxaa uu hore u soo guursaday saddex xaas, waxana uu leeyahay sagaal carruur ah oo kala ah: Maryum, Rasheeda, Jamillah, Hana, Laila, Khaliah, Miya, Muhammad Jr., iyo Asaad. Xaaska Maxamed Cali ee hadda waa Lonnie Ali (oo loo aqoonjirey Lonnie Williams) oo ah reer Louisville, Kentucky.

Lonnie Ali waxay haysataa shahaadada BA ee jaamacada Vanderbilt University, iyo shahadada MBA ee jaamacada University of California, Los Angeles. Maxamed Cali wuxuu yaqaaney Lonnie ilaa 6 jirkeedii markaas oo qoyskeedii usoo guureen guri ku yaaley kasoo horjeedka gurigii qoyska Maxamed Cali.

Hadda Lonnie Ali waxay agaasime ka tahay qorshaha Maxamed Cali ee ah isu soo dhoweynta iyo isfahamsiinta dadka kala duwan, jaaliyadaha iyo dalalka caalamka.

Maxamed Cali Kalaay waxaa ku dhacey cudurka laleemada ay somalida u taqaan waxaana intii uu feerka ku jirey ku dayday kumanyaal dad ah oo dunida dacaladeeda ku kala nool waxana uu dadka baray geesinimada.

Maxamed Cali Kalaay oo ah Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jira Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba xusi doonto.

Hadalladii Uu Ku Ccaan Baxay Maxamed Cali Kalaay

Muxuu ka yiri Dhanka Siyaasadda

"Cassius Clay waa magac addoonnimo. Anigu ma dooran, mana doonayo. Magaceygu waa Muxamed Cali, waxaan ahay nin xor ah. Waxaan rabaa in ay dadka magacaasi iigu yeeraan marka ay ila hadlayaan ama ay iga hadlayaan. "

"Afar boqol oo sano ka hor ayaa halkan nala keenay si aan uga shaqeyno. Maxay tahay sababta dal aan leenahay aan u dhisan la’ nahay si aan uga maarano tuugsiga shaqooyinka? Xor ma ahaan doonno ilaa iyo inta aan dhul ka yeelaneyno. Waxaan nahay 40 milyan oo qof, mana lihin laba acre oo inaga noo gaar ah. "

Markii uu diiday inuu ka mid noqdo Ciidanka Maraykanka

"Maxay tahay sababta ay iiga codsanayaan in aan tuute (labiska ciidanka) u xirto oo aan 10,000 oo mayl uga fogaado gurigeyga si aan u duqeeyo ama aan rasaas ugu rido dad ku nool Vietnam, xilli ay dadka lagu magacaabo Negro ee ku nool Louisville loola dhaqmo sida eeyda, isla markaana loo diido xuquuqda asaasiga ah?"

"Uma socdo meel 10,000 oo mayl ka fog gurigeyga, si aan gacan uga geysto dilka iyo gubitaanka dal sabool ah, si ay gumeystayaasha caddaanka ah usii wadaan haysashada dadka madow ee caalamka."

Geerida Muxamed Cali oo laga tacsiyeeyay

Shakhsiyaad badan oo magac ku leh caalamka, gaar ahaan kuwa ciyaara feerka, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Muxamed Cali, oo caan ku ahaa feerka, kuna dhintay cisbitaal ku yaalla Maraykanka asaga oo 74 jir ah.

"Waa maalin murugo badan. Muxamed Cali waxa uu ahaa qof aan jeclahay, saaxiibna ila ah. Weligii lama hilmaami doono, waxaana loo xusuusnaan doonaa sida Martin Luther King.” Waxaa sidaa yiri Don King oo suuqgeynta u qaabilsanaa feerka uu dheeli jiray Muxamed Cali.

"Muxamed Cali waxa uu ka mid ahaa dadka caalamka ugu wanaagsan ee aan la kulmay. Waxaan shaki ku jirin inuu ka mid ahaa dadka ugu wanaagsan xilligiisii.” Waxaa sidaa yiri George Foreman oo ay Muxamed Cali ku feertameen tartankii caanka ahaa ee la magac baxay Rumble in the Jungle.

"Xilli ay adkeyd in dadka madow ee Maraykanka ah ay xuquuqdooda u doodaan, ayaa Muxamed waxa uu u istaagay si uu difaaco waxa uu rumeysnaa in ay sax yihiin. Waxa uu ka dhigay dhammaan dadka Mareykanka kuwa xuquuqdooda u istaaga.” Waxaa sidaa yiri Kareem Abdul-Jabbar oo dheeli jiray kubadda kolayga.

"Ma jiri doono qof u dhigmi kara Muxamed Cali. Dadka madow ee caalamka ku nool ayaa u baahnaa Muxamed. Waxa uu noo ahaa cod. Waxa uu iga dhigay qofka aan ahay maanta.” Waxaa sidaa yiri Floyd Mayweather, oo marar badan ku guuleystay tartamo feerka caalamka ah.

"Waxa naga baxay qof weyn. Feerka waxa uu ka faa’iideystay khibradda Muxamed Cali, balse waxaa si weyn uga faa’iiday bani’aadanka oo uu tusay waxa ay tahay bani’aadannimada.” Waxaa sidaa yiri Manny Pacquiao, oo ka mid ah ragga ugu caansan feerka caalamka ee maanta.

Ugu dambeyntiina waxaa geerida Muxamed Cali ka tacsiyeeyay Donald Trump oo la filayo inuu musharrax madaxweyne u noqdo xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, waxaana uu yiri "Muxamed Cali waxa uu ku dhintay da’da 74 jir! Waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan. Waana tebi doonnaa dhammaanteen!”

W/Diyaariyay Tifaftiraha Wrbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:-Cumar Maxamed Kulmiye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip