Faransiiska oo dhaxdhaxaadinayo colaada u dhaxeysa Falastiin iyo Israa'iil

0
Saturday June 04, 2016 - 13:13:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska oo dhaxdhaxaadinayo colaada u dhaxeysa Falastiin iyo Israa'iil

    Dowladda Faransiiska ayaa marti gelisay shir caalami ah oo looga hadlayo sidii mar kale loo wada hadal siin lahaa dowladda Falastiin iyo Israa'iil, iyado lagu baaqay in la dar dar geliyo heshiiska Nabadda ee labada dhinac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Faransiiska ayaa marti gelisay shir caalami ah oo looga hadlayo sidii mar kale loo wada hadal siin lahaa dowladda Falastiin iyo Israa'iil, iyado lagu baaqay in la dar dar geliyo heshiiska Nabadda ee labada dhinac.

Shirkan Caalamiga ee ka socda magaalada Paris ayaa waxaa ka qeyb galay illaa 20 dal, waxaana go’aan lagu gaaray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo cusbooneysiiyo wada hadaladii Falastiin iyo Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo bilaabo wada hadaladii nabadda ee Falastiin iyo Israa’iil, si loo gaaro heshiis dhab ah oo nabadgelyo labada dhinac ah.

Dhamaadka sanadkan ayuu qorshuhu yahay in la bilaabo wada hadalada, inkastoo shirka ka socda Paris aan labada dhinac lagu casuumin, hase ahaatee waxaa lagu wadaa in laga soo saaro guddi u howl geli doona dhex dhexaadinta iyo dib u bilaabida wada hadalada.

Laakiin Israa’iil ayaa diidan qodobada qaar ee lagu soo bandhigay shirka, waxaana dooneysa inay wada hadalo fool ka fool ah la galaan Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa wali deegaameyn ka wada dhulka ay xoogga ku heysato ee daanta Galbeed, waxaana wada hadaladii horey labada dhinac laga dhex waday uu bur buray, markii Israa’iil ay dar dar gelisay dhismaha deegaameynta ay ka waday Daanta Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip