Madaxweyne Erdogan'''Waxaan dhiseynaa Xeryo Lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya''

0
Friday June 03, 2016 - 17:50:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Erdogan'''Waxaan dhiseynaa Xeryo Lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya''

    Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan dowladda, Diblomaasiyiin caalami ah iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa si wada jir ah salaan uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida, waxaana loo garaacay astaanta calanka ee labada dal.

Safarka Madaxweynaha Turkiga oo maanta oo jimco ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka duwan labadii safar ee hore oo waddooyinka Muqdisho ay ahaayeen kuwo xiran oo cidlo ah, balse waxaa haatan hareeraha waddooyinka taagan dadweyne fara badan oo sita calamada labada wadan ee soomaaliya Turkiga iyo sawirka labada Madaxweyne

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo muhiim ah, waxaana la arkayay ciidamada ammaanka oo wado kasta taagan, isla markaana feejignaan ka muuqata.

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa si wada jir ah waxay xarigga uga jareen dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho, kaasoo ah safaaradda ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay Caalamka.

Madaxweyne Erdogan ayaa xarig jarida ku bilaabay Bisinka Alle, waxaana si wada jir ah isaga iyo Madaxweynaha ay u jareen xarigga loogu tala galay furitaanka dhismaha Safaaradda.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa dhinac taagnaa xaasaskooda oo si wada jir ah xarigga uga jaray.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, ayna sii joogi doonaan, waxaa uu xusay inay dhisi doonaan xero ay ku tababaraan ciidanka dowladda, isagoo xusay in laga yaabo inuu mar kale Soomaaliya yimaado, si uu u furo xeradaasi.

Dhismaha Safaaradda Turkiga ayaa ku taal degmada C/casiis, gaar ahaan dhanka xeebta, waa dhul ballaaran oo si heer sare ah loo dhisay, waxaa lagu tilmaamay inay tahay dhismaha ugu weyn ee Safaarad turkiga ku leeyahay Afrika iyo Caalamka ah.

Safaaradda Turkiga ayaa ah tan kaliya ee gudaha Muqdisho ku taal, marka laga soo tago safaaradaha dowladaha reer galbeedka ay ku leeyihiin Xerada Xalane oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo kala duwan oo isugu jira ganacsi, maalgashi iyo milateri, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu cambaareeyay weerarkii maalmo ka hor lagu qaaday Hotel Ambassador Ee Magaalada Muqdisha.

Heshiisyadan ayaa xoojinaya xiriirka labada dal, iyadoo Turkiga uu sii wadayo taageerada uu siinayo Soomaaliya Waxaa heshiiska ka mid ah heshiis Dhanka Tababarada ah ee uu Turkiga siinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, xero milaterina uu ka Dhisanayo Soomaaliya.

Sidoo kale heshiiska dhex maray labada dal waxaa ka mid ah Wakaaladaha Wararka ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqaya illaa 24 milyan oo dollar, iyadoo bil walba 2 milyan dollar ay bixinayaan.

Madaxweynaha Turkiga iyo Somalia ayaa shir jaraa’id oo wada jir ah qabtay, waxayna labadaba dhinac ay cadeeyeen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal u dhaxeeya, kaa soo ah mid sii xoogeysanaya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa la xiray waddooyin badan, iyadoo dadweyne fara badan oo calano ruxayay ay taagaanyeen laga soo bilaabo garoonka diyaaradaha illaa degmada C/casiis oo ay ku taalo Safaaradda Turkiga.

Turkiga ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaatay gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya, iyadoo si toos ah u taageeray dowladda Soomaaliya, waxaa uu ka qeyb qaatay dib u dhiska meelo badan oo ka tirsan Muqdisho iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin laami la saaray, dhisida Isbitaalo, iskuulo iyo Terminalka cusub ee garoonka diyaaraddaha Aadan cadde

Waa markii 3aad ee Madaxweynaha Turkiga booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, sanadkii 2011 ayay aheyd markii u horeysay uu yimaado, xilligaasoo Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ku dhufteen abaaro, iyadoo Erdogan uu indhaha Caalamka ku soo jeediyay, isla markaana tusay in Soomaaliya la tagi karo.

.

 



 


 

erdo-hasan (1)erdo-hasan (2)erdo-hasan (3)erdo-hasan (4)erdo-hasan (12)erdo-hasan (5)erdo-hasan (6)erdo-hasan (7)erdo-hasan (8)erdo-hasan (9)erdo-hasan (10)erdo-hasan (11)


 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip