Gen Bashiir '''Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa Kulan Aqoon korosi u adaya qaarada Yurub''

0
Friday June 03, 2016 - 17:50:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen Bashiir '''Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa Kulan Aqoon korosi u adaya qaarada Yurub''

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa shir uga qeyb galay xarunta qaramada midoobay ee Magaalada Vienna "VIC" Dalka Austria waxa uuna socday shirka sadax cisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa shir uga qeyb galay xarunta qaramada midoobay ee Magaalada Vienna "VIC" Dalka Austria waxa uuna socday shirka sadax cisho.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arimo ay ka midyihiin sida loo Xaneen lahaa maxaabiista ku jirta Xabsiyada kala duwan iyo Mustaqbal u sameynta Maxaabiista sidii looga hortagi lahaa in xabsiyada dhexdooda laga faafiyo nooc kasta oo dambi abaabulan, sida: Midab takoorka, Argagixisanimada, Isir baceybka iwm.


Madasha Shirka inta uu Socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay Buug ka hadlaya Waxqabadka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaana inta uu socday shirkaasi aad loogu amaanay Taliska Ciidanka Asllubta soomaaliya sida ay u Xanaaneyaa Maxaabiista ku jirta Gudaha Xabsiga dhaxe ee Xamar.



S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Bahiir Goobe Taliyaha Ciidanka ASluubta Soomaaliyeed ayaa kulumo Gaar gaar ah la yeeshay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka isagoona kala hadlay horumarinta ciidanka Asluub Soomaaliya.


Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen Bashiir ayaaa waxa uu sidoo kale sheegay Saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kulan Aqoon kororsi ah u tagi donaan Dalka Jarmalka oo burburkii ka hor xiriiir adag ka dhexeeyey Soomaaliya, gaar ahaan C. Asluuubta iyo Ciidanka Asluubta Jarmalka

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip