Madaxweyne Erdogan oo imaanshihiisa laga dareemayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
Friday June 03, 2016 - 09:04:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Erdogan oo imaanshihiisa laga dareemayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Waxaa saacadaha soo aadan kusoo wajahan magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga RacepTayyip Erdoğan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saacadaha soo aadan kusoo wajahan magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga RacepTayyip Erdoğan.

Booqashada madaxweynaha Turkiga uu maanta ku imaanayo magaalada Muqdisho oo ah tii sadexaad ayaa waxaa ku wehliya xaaskiisa, wasiiro iyo ganacsato. Waxa ay saacadaha soo aadan kasoo duuli doonaan magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya oo ay xalay ku hoydeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka siyaasada iyo kan ganacsiga ee ka dhaxeeya labada dal. Halka ay labada dowladood waa Turkiga iyo Kenya ay kala saxiixdeen sadex heshiis oo gancsi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha ayaa lagu wadaa in ay garoonka Adan Cade kusoo dhaweeyaan madaxweynaha Turkiga, kadibna waxaa loo galbi doonaa wafdiga Turkiga xarunta safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in ay si wadajir ah xariga uga jaraan dhismaha cusub ee safaarada Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee Turkigu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, waxaana wadooyinka waaweyn ee caasimada saakay dhooban ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa AMİSOM. Waxaa intiisa badan xiran wadada Maka Al Mukarama ee isku xirto garoonka iyo madaxtooyada.

Turkiga ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay waxaa uu Soomaaliya ka waday howlo sama fal iyo mashaariic horumarineed, iyadoo Turkiga yahay dalka kaliya ee taageero toos ah siiya dowladda Soomaaliya.



 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip