Weerarkii Hotelka Ambassador oo la soo gabagabeeyay(Dhageyso)

0
Wednesday June 01, 2016 - 20:29:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarkii Hotelka Ambassador oo la soo gabagabeeyay(Dhageyso)

    Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya Gaar ahaan Kuwa Gaashaan ee Hay'ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo afjaray Dableydii gudaha u gashay Ambassador

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya Gaar ahaan Kuwa Gaashaan ee Hay'ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo afjaray Dableydii gudaha u gashay Ambassador

Ciidamada Gaarka ah ee Gaashaan ayaa soo bad-baadiyay dad badan oo Hoteelka ku xanibnaa, kuwaasi oo aanan la sheegin tiradooda, balse waxa ay sheegeen ciidamada inay gurmad xoogan u fidiyeen, dadkaasi oo caafimaad qabana laga soo saaray Hoteelka.


Maleyshiyaadkii ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa Goobta lagu dilay iyagoona ay ciidamada mid mid u toogteen ragaasi rabay in dilaan dadka gudaha ugu jireen hotelka


Wariye Maxamed muuse maxamed oo ka tirsan warbaahinta ciidamada qalabka sida sheegaya in hada loo ogolaaday inay gudaha u galaan Hoteelka si ay u soo duubtaan gudaha Hoteelka iyo sida ay wax uga dhaceen.



Raggii hubaysnaa ee ka tirsanaa kooxda al-shabaab weerarka Hoteelka ku soo qaaday ayaa la sheegayaa in la toogtay oo hada ammaanka Hoteelka ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Gaashaan ee Nabad Suggida ka tirsan.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip