Howlgalka Amison oo Taliye Cusub loo Magcaabay

0
Wednesday June 01, 2016 - 14:07:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgalka Amison oo Taliye Cusub loo Magcaabay

    Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika Taliye cusub u soo magacaabay Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ee ka jooga Somaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika Taliye cusub u soo magacaabay Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom ee ka jooga Somaaliya.

 

 

Taliyaha cusub  oo lagu magacaabo Generaal Cusmaan Nuur  Subagle, waxa uu u dhashay dalka Jabuuti, wuxuuna sida ay Wakaaladu sheegtay la wareegi doonaa hogaanka  22 kun Ciidan  kala duwan ee howlgalka Amisom Somaliya ka jooga  kana kala socoda  dhowr dal oo ka tirsan midowga Afrika.

Xilkan  Taliyenimada Ciidamada Amisom ee Soomaaliya  ee loo magacaabay Generaal Cusmaan Nuur Subagle  ayaa waxaa hore u hayay Gereraal  Kenyaati laga soo bilaabo dhamaadkii bishii Dishember 2015kii.

Sida ay Wakaalada Wararka ee Jabuuti qortay waxay magacaabista Taliyahan cusub ku soo beegmeysaa xilli  howlgal xooggan lagula jiro   kooxda Alshabaab sidii looga saari lahaa degaanada ay weli ku hrsan yihiin iyo in ciidamada Dowlada lagu taageero howlgaalkaasi.

Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay Ciidamada Amisom ee Somaaliya Generaal Cusmaan Nuur Subagle  ayaa hore  sanadihii 2012-2013 kii  Taliye  ugu noqday howgalka Ciidamada Amisom ee Somaaliya, wuxuuna  si joogta uga qeyb gala shirka ay yeelanayaan gudiga wada jirka ah  ee looga hadlyo arrimaha Mileteriga ee  hogaanada dalalka ciidamadooda  ka joogaan Somaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip