Warbixin Cudurka Kaduudiyaha iyo saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay

0
Wednesday June 01, 2016 - 14:07:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Cudurka Kaduudiyaha iyo saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay

    Cudurkan Kaduudiyaha oo afka qalaadna lagu yiraahdaa 'Dengue Fever", ayaa dadkeena ku dhaqan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan caasimada Muqdisho ay la xanuunsanayaan labadii bilood ee la soo dhaafay, welina dad hor leh buu soo ridanayaa, h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurkan Kaduudiyaha oo afka qalaadna lagu yiraahdaa 'Dengue Fever", ayaa dadkeena ku dhaqan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan caasimada Muqdisho ay la xanuunsanayaan labadii bilood ee la soo dhaafay, welina dad hor leh buu soo ridanayaa, haddaba qormadan ayaan ku eegayaa waxa uu cudurkan yahay, waxyaabaha lagu garto, iyo haddii uu leeyahay daawo.

 

Kaduudiye ?

Seddex dalool hal dalool oo kamida dadka dunida ku nool ayaa khatar uga jira cudurkan kaduudiyaha, waxaana keenay cudur dhaliye sababa xanuun daran ama geeri, waxa uu yimaada kuleylaha ama uu ku  badan yahay dhulka kuleylaha.

400 oo milyan ayaa sanadkiiba ku dhaca ‘Virus’-kan , waxaa sababa mid kamid 4-nooc oo Virus- ah oo isu gudbisa kaneecada teeda dhediga ah, sida ay sheegayso xarumaha Xakamaynta Cudurka iyo ka hortagiisa (Centers for Disease Control and Prevention) ee dalka Mareykanka.

Xaruntan waxa ay sheegaysaa inaaney jirin talaal loogaga hortagi karo cudur dhaliyaha (virus) Cudurka Kaduudiyaha, laakiin hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa iyada sheegayso inuu jira talaal loo qaato cudurkan oo la meel mariyey kaasi oo la durayo dadka da’dooda u dhaxaysa (9-45 jir).

Goormuu  Kaduudiyaha soo ifbaxay?

Taariikhda uu soo if baxay waa la’isku raacsan yahay laakiin waddanka ugu horreeyay ee laga helay  Virus-ka ayey su’aalo ka taagan tahay weli oo qoloba meel kuu sheegaysaa, tusaala hay’adda caafimaadka adduunka ayaa leh in cudurkan la ogaaday 1950s lagana helay dalalka Philipine iyo Thailand halka Xarunta CDC  ay leedahay Latin Ameica, Koofurta Asiya, iyo jasiiradaha Pacific- uuna si dhif iyo naadir qaarada Mareykan uu uga dhaco.

Calaamadaha lagu garto

Caalamado dhawr ah ayaa lagu gartaa Kaduudiyaha, waxa uu leeyaha Qandho aad u daran taasi oo bur-burisa dhammaan xubnaha jirka haba uga darnaadeene Isgoysyada, dhabarka, qoorta, mur-qaha, iyo madax-xanuun aan wax kale oo lala bar-bar dhigaa jirin.

Calaamado kale oo aan shaqsiyan ku arag dadkeena Soomaalida baa jira oo calaamadaha ay bahda caafimaadka sheegeen, waxaana kamid dhiiig- bax, barar iyo nabaro cas-cas oo jirka korkiisa ah (Maqaarka).

Daawo:-  Ma jirto daawo rasmi ah oo loo qaato Kaduudiye, mana ahan mid la’isku daarto, waxaa isku gudbiya kaneecada oo ruux qabo inta ay qaniinto, ruux fiyow u gudbisa, Nadaafada guud iyo kaneeco in lala dagaalo ayaa ka hortag noqon kara.

Geba-gebo

Cudurkan Kaduudiyaha ayaa markii iigu horeysay oo aan u maleynayo in Soomaaliya dad uu asiibo aan maqlay, arkey sannadkii 2006-dii, Waxa aan kamid ahaa dad badan oo uu ku dhacay Kaduudiyaha, haddana waa 10-sano kadib oo 2016-ka ah, Waxa uu ku dhacay dad badan, kuwa badan ayaa hadda la jiifa, welina wuu u ciil qabaa oo weli dadkaasi waa Soomaali, Alle ha inaga yasiro. Waxa warsan ah in aanay jirin cid u geeriyootay inta la ogyahay.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi "Black Cobra”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip