Sirdoonka Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay Gaari ay Saarnayeen Walxaha Qaraxa iyo Qoryaha fudud iyo Dadkii wadtay

0
Tuesday May 31, 2016 - 19:52:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay Gaari ay Saarnayeen Walxaha Qaraxa iyo Qoryaha fudud iyo Dadkii wadtay

    -Ciidmada Hey'adda Sirdoonka iyo nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo heyaddu sheegtay in la doonayay in lagu qalqalgaliyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Ciidmada Hey'adda Sirdoonka iyo nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saaranyihiin hub iyo walxaha qarxa, kaas oo heyaddu sheegtay in la doonayay in lagu qalqalgaliyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C.kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada Hey’adda NISA ay ku qabteen gaari waday hab kadibna galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qabqabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

"NISA ayaa qaaday howlgal waxaana ku soo qabqabanay illaa 4 ruux, Hub iyo Aaladaha loo adeegsado walxaha qarxa, waxaana la doonayay in dilal iyo qaraxyo looga geysto magaalada Muqdisho”ayuu yiri Mudane C.kaamil.

Saraakiisha Hey’adda NISA ayaa sheegay in goordhaw saxaafadda loo soo bandhigayo hubkaasi iyo dadka loo soo qabqabtay.

13313766_1600447923599603_1275308385_o.png13313913_1600447943599601_1489795679_o.png13334772_1600447810266281_1939781747_o.png13340470_1600448020266260_249154403_o.png13340842_1600448030266259_566677985_o.png13351112_1600448026932926_1019560993_o.pngSONNA



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip