Shirka Hogaamiyaasha Soomaaliya oo Maanta looga hadlayo Xaquuqda Muqdisho

0
Sunday May 29, 2016 - 08:59:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Hogaamiyaasha Soomaaliya oo Maanta looga hadlayo Xaquuqda Muqdisho

    Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliyeed, kaas oo ay kaga hadlayaan doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadkaan ay dalka ka qabsoonto iyo sidii muqdisho loogu soo dari lahaa Aqal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliyeed, kaas oo ay kaga hadlayaan doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadkaan ay dalka ka qabsoonto iyo sidii muqdisho loogu soo dari lahaa Aqalka sare ee Dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Xasan sheikh Reysal wasaaraha dalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilo ka socda gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


Shirkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee kulamada shirka Madasha Qaran, kaas oo soo maray marxalado kala duwan islamarkaana Hoggaamiyaasha dalka ay go’aan mideysan kaga gaarayaan habka ay u dhici karto Doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.



Qodobada inta badan looga hadlaayo shirka madashada hogaamiyaasha ayaa waxaa ka mid ah sidii Muqdisho loogu soo dari lahaa aqalka Sare iyo go’aankii uu qaatay madexweynaha Soomaaliya kasoo ahaa in uu xeer madexweyne ku ansixiyey qodobadii kasoo baxay Shirka Madasha wadatashiga qaran


Sheekh Yuusuf Xuseen jimcaale ayaa ugu baaqay Madaxda ka qeyb galaya Shirka Madasha wada-tashiga Qaran in ay keenaan Xaquuqdii Dadka ku nool Magaalada Muqdishon islamarkaana Madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ay ka hadlaan.

Dad fara badan ayaa magaalada muqdisho ka dhigay banaan bax loogu dalbanayo madaxda sare dalka Xaquuqda ay leedahay magaalada muqdisho


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip