Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maxkamadeyneysa Ajaanib si sharci Dara ah u joogta Dalka

0
Saturday May 28, 2016 - 18:25:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maxkamadeyneysa Ajaanib si sharci Dara ah u joogta Dalka

    Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in la Maxkamadeyn doono Ajaaniib dalka sharci la'aan ku jooga, kuwaasoo laamaha amniga gacanta ku hayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in la Maxkamadeyn doono Ajaaniib dalka sharci la'aan ku jooga, kuwaasoo laamaha amniga gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in sharciga la hor-keenayo dadka ajaaniibta ee sharci darrada dalka ku soo galay.

"Qof kasta oo sharciga ku xadgudba ajaaniib ha ahaado ama muwaadin sharciga ayaa la hor-keenayaa, waxaa jiraa dad ajaaniib ah oo dalka sharci darro ku jooga oo la soo qabtay, horayna waa u dhacday in Maxkamad la soo taago, hadana waa la soo taagayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Waxaa uu sheegay in aysan heyn tiro rasmi ah oo ku aadan Ajaaniibta la haayo ee sharci darrada dalka ku joogta, hase ahaatee ay ka sugayaan hey’adaha wada shaqeynta kala dhaxeyso inay u soo gudbiyaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid dacwooyinkii la xiriiray dhulalka oo ahaa kuwo ugu badan ee muddooyinkii la soo dhaafay Maxkamaddu qaadi jirtay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa kol hore sheegtay inay jiraan ajaaniib dalka ka shaqeysata oo aan sharci ku joogin iyo kuwo uu ka dhacay sharciga dal ku jooga ah.

Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ganaax iyo musaafuris isugu dartay shaqaale ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasoo howlo shaqo ka hayay Xarunta Xalane oo ay ka howl galaan Safaarado reer galbeed ah, Talisna u ah howl galka AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip