Gen:Bashiir ''Waxaan Mar walba ka shaqeyneynaa Daryeelka Caruurta Darbi jiifka eek u dayacan Wadooyinka''

0
Saturday May 28, 2016 - 17:28:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen:Bashiir ''Waxaan Mar walba ka shaqeyneynaa Daryeelka Caruurta Darbi jiifka eek u dayacan Wadooyinka''

    Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta sii daayey ilaa iyo 18 ka mid ah caruurtii Koola dhuuqa ahaa ee ku dayacnaa waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Xabsiga dhexe ku qaatay 6 Bilood oo Dhaqan celin iyo Waxbarasho ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta sii daayey ilaa iyo 18 ka mid ah caruurtii Koola dhuuqa ahaa ee ku dayacnaa waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Xabsiga dhexe ku qaatay 6 Bilood oo Dhaqan celin iyo Waxbarasho ah.

Sareeya Gaas Bashiir Maxamed Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Caruurtan Koorsada dhameystay loo qeybin Doonno ilaa iyo Saddex Qeybood oo kala ah :-

1 –Wixii ka weyn da’da 18 sano in loo Qaadan doonno Askari Ciidanka Asluubta ah, iyadoo la eegayo Ogolaansho

2- in qeyb ka mid ah Caruurtaasi la siin doonno Waxbarasho Diini iyo mid maaddi ah islamarkaana la bari doonno farsamada Gacanta .

3- qeybta soo hartay oo la siin doonno Lacago guno ah islamarkaana ay dib ula midoobi doonaan Qoysaskooda .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Asluubta uu dar dar galin doonno Dhaqan celinta loo sameynayo Caruurta Darbi jiifka ah oo ay dhawaan bilaabayaan Howgallo lagu soo Aruuranayo Ciyaalka koola dhuuqa ah ee Magaalada ku dayacan .

Dhalinyartani aya waxa goobta lagu gudoonsiyay lacago ay kusii gataan dhar oo ay kula laabtan familkooda, Si ay uga dhex muuqdaan bulshada caadiga ah.

received_1722977427977600received_1722977407977602received_1722977377977605received_1722977334644276received_1722976454644364received_1722976441311032

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip