Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay Goob Maleyshiyada Tababar ku sinayeen Caruur ay soo xadeen

0
Friday May 27, 2016 - 19:38:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya oo burburiyay Goob Maleyshiyada Tababar ku sinayeen Caruur ay soo xadeen

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Amison ayaa dhaq dhaqaayo lagu baacsanayo kooxda dhiig miiratada Al-shabaab ka wada degaano Hoos yimaada Gobolka Shabellaha Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Amison ayaa dhaq dhaqaayo lagu baacsanayo kooxda dhiig miiratada Al-shabaab ka wada degaano Hoos yimaada Gobolka Shabellaha Hoose

waxaana Meelaha ay ka wadaan ka mid ah Degmada Tooratoorow iyo Tuulooyinka hoosyimaada iyo Degmada Qoryooley ilaa Degaanka Shalaanbood.

Howlgalka ay ciidamada geesiyaasha ah waxa ay ku Burburiyeen Saldhigyo Maleyshiya dhiig miiratada Al-shabaab ay ku Tababaraan Dhalinyarada ay soo afduubteen oo ku yaalla Tuulooyin hoostaga Degmada Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa idaacada ciidamada qalabka sida u Xaqiijiyay in Saldhigaasi cagta mariyeen ayna ku dileen ku dhawaad 15 horjooge iyagoona sheegay in ay soo bad baadiyeen caruurta yar yare e soo afduubteen

Howlgalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Gacan ka geysanayo Ciidamo Mareykan ah oo wata Diyaarado Dagaal.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip