Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

0
Wednesday May 06, 2015 - 16:57:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

    Munaasabadan oo ahayd mid uu xilka kula waregaayay taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliya sareeye guuto Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa maanta lugu qabtay dugsiga tababarka ciidammada booliska Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan oo ahayd mid uu xilka kula waregaayay taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliya sareeye guuto Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa maanta lugu qabtay dugsiga tababarka ciidammada booliska Soomaaliyeed ee Gen Kaahiye.

Xaflada ayaa waxaa ka qeyb galaywasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka amniga gudaha, wasiirka kheraadka dalka, xildhibaano, xer ilaaliyaha qaranka, taliyaha ciidanka asluubta, taliyaha Ciidanka badda iyo marti sharaf kale waxaana dhamaan mas,uuliyiinta ka qayb gashay ay bogaadiyeen taliyaha cusub.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya sareeye guuto Maxmed Xasan Xaamud oo

xaflada hadal ka jeediyay ayaa waxaa uu balan qaaday in waxqabad muuqda uu la imandoono isla markaa waxaa uu ka codsaday saraakiisha iyo mas,uuliyiinta guud ahaan in lagu gacansiiyo xilka loo dhiibay.

Xer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed dr Axmed Cali Daahir oo isna hadlay ayaa waxaa sheegay in taliyaha cusus ee loo magacaabay xilka booliska Soomaaliyeed looga fadhiyo isbadal muuqda in uu ku sameeyo ciidammada booliska.

Wasiirka cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir. Aaya hanbalyo u diray taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka taliyaha booliska isagoo u rajeeyay in isbadal muuqda uu la imaandono waxaana uu kula dardaarmay in muhiimada koowaad uu siiyo dhismaha ciidanka iyo sugida amaanka dalka.

Ugu danbeyntii wasiirka amniga gudaha Somalia mudane C/risaaq Cumar Maxmed ayaa dardaran u jeydiiyay taliyaha cusub waxaana uu u sheegay in looga fadhiyo wax qabad dhab ah iyo hol karnimo waxaana uu ka codsaday in qorsha howleedka hadda u dagsan ciidamada booliska Soomaaliyeed uu halkaa ka amba qaado.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip