Haweenka Gobolka Banaadir oo deeq Xoolaha ah u geeyay Ciidamada Dhibowga uga Socdo Dugsiga Generaal Kaahiye

0
Friday May 27, 2016 - 15:42:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenka Gobolka Banaadir oo deeq Xoolaha ah u geeyay Ciidamada Dhibowga uga Socdo Dugsiga Generaal Kaahiye

    ururka Haweenka Gobolka banaadir ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa ay ugu deeqeen 20 neef oo Ari ah kuwaas oo ay ugu tala galeen Ardeyda ka baxdey jaamacadaha dalka iyo dugsiyada sare oo ka mid noqdey ciidamada booliska kuwaa oo d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ururka Haweenka Gobolka banaadir ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa ay ugu deeqeen 20 neef oo Ari ah kuwaas oo ay ugu tala galeen Ardeyda ka baxdey jaamacadaha dalka iyo dugsiyada sare oo ka mid noqdey ciidamada booliska kuwaa oo dhibow uga socda dugsiga Generaal kaahiye.

Munaasabad Kooban oo lagu qabtey Dugsiga Tababarka Generaal Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku Xigeynka Dhinaca Amniga Maamulka Gobolka Banaadir Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kooxda Fananiinta heegan oo goobta Kusoo bandhigay Sugaan ka turjimaysa wada shaqeynta ciidamada iyo shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamuud iyo Masuulyiintii Lasocotay ayaa Gudaha dugsiga Tababarka General Kaahiye salaan sharaf ugu qaatey Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo munaasabad ka hadashay ayaa Taliska Ciidanka Booliska Smaaliya ay maanta ku weejiyeen 20 neef oo Ari ah oo ay ugu tala galeen Ardeyda ka midnoqotey ciidanka Booliska ay dhibowga uga socda Dugsiga Generaal kaahiye,,cod

‘’Waxaa halkaan ka cadeynayaa in ciidamad booliska ay yihiin hooyada dalka ururka haweenka Gobolka Banaadir waxaan booliska gaar ahaan ardayda ka mid nqotey ciidanka booliska ay dhibowga ug socda Generaal kaahiye ugu deeqnay 20 neef oo Ari ah’’

Mudane Maxamed ahmed Diiriye Yabooh Gudoomiy ku xigeynka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banadir ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo ka shanaya Ururka hweenka Gobolka uu mar walba u tagan yahay kor u qaadista ciidanka booliska uuna Maamulka Gobolka Banaadir dhaqaalo ku bixin doona horumarka ciidanka Booliska Soomaaliya

‘’’Maamulka Gobolka Banaadir uu u taagan yahay horumarka ciidanka booliska soomaaliya waad aragtiin in ururka haweenka Gobolka Banaadir ay maanta deeq xoolaha u keeneen ciidamada dhibwga ugu socda xerada tababarka ciidanka booliska mana ka gaabin doono horumarka ciidanka booliska ‘’’

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamuud oo munaasabada soo xeray ayaa waxa uu sheegay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya uu wado dadaalo lagu hormarinayo ciidanka Booliska soomaaliya isagoona shacabka soomaaliyed ka codsadey in ay ka shaqeeyaan horumarka ciidanka booliska soomaaliya

‘’’Waxaan wadnaa daallo lagu hor marinayo ciidanka Booliska Soomaaliya Dadweynaha soomaaliyeedna waxaa ka go an in ay garab na siiyaan hadii ay ahaan leheed dhismaha Saldhigyada Guud ahaan waan u mahad celinayaa cid kasta oo ka qeyb qdaneysa dhisamaha ciidanka Booliska soomaliya’’’



BH0A3290BH0A3077BH0A3087BH0A3101BH0A3109BH0A3127BH0A3128BH0A3132BH0A3134BH0A3142BH0A3145BH0A3154BH0A3155BH0A3164BH0A3172BH0A3180BH0A3195BH0A3201BH0A3210BH0A3242BH0A3246BH0A3247BH0A3251BH0A3253BH0A3269BH0A3274BH0A3277BH0A3283BH0A3287

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip