Madaxweynaha oo sheegay in 2016-da ay doorashada qabsoomayso.

0
Wednesday May 06, 2015 - 09:43:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo sheegay in 2016-da ay doorashada qabsoomayso.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxmuud oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo badan oo haatan dalka ka tagan sida siyaasada dowladda ee qorshaha hiigsiga 2016 arimaha maamul u sameynta gob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxmuud oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo badan oo haatan dalka ka tagan sida siyaasada dowladda ee qorshaha hiigsiga 2016 arimaha maamul u sameynta gobalada dalka dhismaha ciidanka qaranka gudiyada madax banaan iyo arimaha dib u habeenta dastuurka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa intaasi ku daray in ay jiraan in ka badan 300 oo aqooyahano Soomaaliyeed ah oo ku kala nool wadamada caalamka kuwaas oo iska soo diiwaan giliyeen wasaarada arimaha gudaha si ay ugu mid noqdaan gudiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo arimaha dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxmuud ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay arimaha dorashooyinka waxaana uu sheegay in aysan dhaci doonin wax waqti kororsi ah oo marka la gaaro 2016 ka dalka laga qaban doono doorashooyin madaxtinimo

"waan ku celcelinay mar kale waan ku celineynaa wax kororsiimo ah ma jiraan 2016 waqtiga dowladaani markii uu dhamaado dowladii badalilahayd ayaa imaaneysa kororsiimadu is qab qabsi ayay leedahay is tuhuney leedahay mana dooneyno taasā€¯ayuu yiri madaxweynuhu.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip