Wasiirka Amniga gudaha oo kormeeray saldhigyo ciidan

0
Tuesday May 05, 2015 - 10:01:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga gudaha oo kormeeray saldhigyo ciidan

    Wasiir Amniga gudaha ayaa xalay kormeer ku tagay afar saldhig oo ay ciidanka booliska ku leeyihiin qaar ka mid ah degmoyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Amniga gudaha ayaa xalay kormeer ku tagay afar saldhig oo ay ciidanka booliska ku leeyihiin qaar ka mid ah degmoyinka gobolka Banaadir.

Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa kormeer aan la shaacin ku tagay saldhigyada degmooyinka Waaberi, Hodon, Shingaani iyo Cabdulcasiis.

"Qaar ka mid ah saldhigyada waxaa ka socday shaqo fiican, qaarkoodna habacsanaan ayaa ka muuqatay, socdaalkeenu wuxuu ahaa mid ah kadis ah, waana sii wadi doonnaa” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu intaa ku daray in taliska booliska uu la wadaagi doono warbixin ku saabsan wixii uu la kulmay intuu ku guda jiray kormeerkiisa.

Wasiirka amniga gudaha ayaa hay’adaha ammaanka u sheegay inay masuul ka yihiin sugidda amniga muwaadiniinta, isagoo ku boorriyay inay si joogto ah uga howl galaan gudaha magaalada Muqdisho si looga guuleysto kuwa nabadda diiddan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip