Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo madaxda dalka Kuwait ka codsadey taageerida ciidanka xoogga dalka soomaaliya oo dagaal kula jiro al-shabaab+Sawiro

0
Wednesday May 18, 2016 - 18:20:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo madaxda dalka Kuwait ka codsadey taageerida ciidanka xoogga dalka soomaaliya oo dagaal kula jiro al-shabaab+Sawiro

    Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Fadareelka Soomaaliya Sareeyo Gaas C/qaadi Sh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aadan ahmed ayaa gaarey Dalka Kuwait.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Fadareelka Soomaaliya Sareeyo Gaas C/qaadi Sh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aadan ahmed ayaa gaarey Dalka Kuwait.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha dalka Kuwait kusoo dhaweeyay Saraakiisha sare ee wasaarada difaaca Dalka Kuwait iyo danjiraha soomaaliya u fadhiya dalkaasi Cabdulqaadir Aamiin iyadoona wafdiga uu hogaaminayo wasiirka difaaca soomaaliya loo soo gudbiyay Madaxtooyada dalka Kuwait

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Soomaaliya waxa uu madaxtooyada dalkaasi kula kulmey Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaax waxa ayna ka wadleen labada masuul xoojinta iyo tayeenta ciidanka xoogga dalka soomaaliya iyo howlgalada lagula dagaalamayo Kooxda al-shabaab.

Sareeyo Gaas C/qaadir sh ali Diini ayaa waxa uu sheegey in Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya uu dagaal u kula jiro Kooxda al-shabaab isagoona madaxda dalka Kuwait ka codsadey in taagero malatari ay siiyaan ciidamada xoogga dalka soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed ayaa sheegey ciidamada xoogga dalka soomaaliya ku jiraan howlgalo waxa uuna tilmaamey in hada ay wadaan dadaalo lagu xoojinayo howlgalkaasi

Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaax ayaa u balan qaadey wafdiga uu hogaaminayo wasiirka difaaca soomaaliya in dalka Kuwait ay taagero iyo tababaro ay sii doonaan ciidamada xoogga dalka

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Saraakiil Sar Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa kulamo shaqo la wadaagi doono dhigooda Difaaca Kuwait iyada oo booqashadani tahay mid aad u sareysa oo laga filayo in ay horey u qaado Iskaashiga xagga amniga ee labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait oo mar walba ahaa mid aad u sareeya oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ayaa hadda u muuqda in uu sii xoogeysanayo marka aad eegto sida weyn ee loo soo dhaweeyay Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,




12313223437_1037761542969305_575367008_o13223559_1037725549639571_1925782385_o13225203_1037725539639572_951118386_o13234762_1037725499639576_1066463582_o



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip