Wasiir Cabdalla Xuseen Dowlada Uganda Taliska Xoogga Dalka Somaaliya waxa ay u tababareysaa Saraakiil cusub oo ka mid noqon doona Xoogga Dalka(Dhageyso)

0
Wednesday May 18, 2016 - 15:21:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cabdalla Xuseen Dowlada Uganda Taliska Xoogga Dalka Somaaliya waxa ay u tababareysaa Saraakiil cusub oo ka mid noqon doona Xoogga Dalka(Dhageyso)

    Wasiir ku xigeennka wasaarada Gaashaandhiga Xukumada fadareelka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen Cali oo ku sugan Dalka Uganda ayaa la Hadley Idaacada ciidamada qalabka sida waxa uuna sheegey in Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu qaadanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeennka wasaarada Gaashaandhiga Xukumada fadareelka Soomaaliya Mudane Cabdalla Xuseen Cali oo ku sugan Dalka Uganda ayaa la Hadley Idaacada ciidamada qalabka sida waxa uuna sheegey in Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu qaadanayo ardeyda dhameysatey heerka Wax barashada jamacadeed.

Mudane Cabdalla Xuseen Cali ayaa sheegey in saraakiil leyli sargaal ah loo qaado dalka dibadiisa ay tahay horumar weyn waxa uuna sheegey arimahaasi ay kala hadleen wasaarada Gaashaandhiga Dalka Uganda isagoona Tilmaamay in ardeyda dhameysatey jaamacadaha dalka ka jira iyo kuwa diba ee soo dalbadey in ay ka mid noqdaan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed loo tababaridoono.


Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Difaaca Somaaliya Mudane Cabdalla Xuseen ayaa baaq u direy ardeyda dhameysatey Jamaacadaha ee shaqa la,aanta heyso in ay fursadaan shaqo ay ka faa idestaan waxa uuna raaciyay taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyed uu mar walba mudnaan gaar ah uu sii doono ardeyda dhameysatey jaamacadaha iyo kuwa ka baxa dugsiga sare.



Ugu dambeytii wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga soomaaliya ayaa waxaa uu ka Hadley qorshaha ugu dagsan wasaarada difaaca xukumada fadareelka soomaaliya dhalinyarada shaqa la,aanta ay ku heyso dalka isagoona sheegey wasaarada difaaca soomaaliya ay dhalin yaradaasi ku biiri doonto saraakiisha ciidanka xoogga dalka


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip