Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Dalka Zambia uga qeyb galaya Shir Caalami ah

0
Tuesday May 17, 2016 - 16:05:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Dalka Zambia uga qeyb galaya Shir Caalami ah

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Gaaray Magaalada Livingstone ee Dalka Zambia Halkaasi uu kaga qeyb gali Doono Shirweynaha Caalamiga ah ee Talisyada Ciidanka Asluubta Aduunka oo Magaaladaasi ka Furmaya .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Gaaray Magaalada Livingstone ee Dalka Zambia Halkaasi uu kaga qeyb gali Doono Shirweynaha Caalamiga ah ee Talisyada Ciidanka Asluubta Aduunka oo Magaaladaasi ka Furmaya .

Shirkan ayaa looga Hadlayaa Xaaladda Talisyada Ciidanka Asluubta Aduunka iyo Horumada Xabsiyada Caalamka iyadoona la isla soo qaadi doonno Sidii wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Ciidanka Asluubta Caalamka .

S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Shirkan ka jeedin doonno Khudbad dheer oo uu kaga  hadli doonno Horumarada ay sameeyeen Ciidanka Asluubta Soomaaliyed iyo sidoo kale sidii loo Horumarin lahaa Xasbiyada Dalka ku yaala oo ay Gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa marki uu Gaaray Magaalada Livingstone ee Dalka Zambia waxa uu la Kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudaan S/Guud Abu Abeyda Suleymaan iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Koonfur Suudaan S/Guud Samir Khamis Sukeynan iyagoona kawada hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen Xiriir wanaagsan oo dhex mara iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa Xabsiyada wadamadooda .

Xafiiska Qeybta Warfaafinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho –Soomaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip