Taliska Ciidanka Asluubta oo lagu Wareejiyey Computers Casri ah (Sawirro)

0
Tuesday May 17, 2016 - 14:50:06 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Asluubta oo lagu Wareejiyey Computers Casri ah (Sawirro)

    Shirkadda Tika oo ay Dowladda Turkiga Leedahay ayaa Maanta Qalab isugu jira Computers iyo Printers ku Wareejisay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyadoona Qalabkan Taliska ayka Caawin doonto in ay u Fududaato Shaqooyinka ay Hayaan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Tika oo ay Dowladda Turkiga Leedahay ayaa Maanta Qalab isugu jira Computers iyo Printers ku Wareejisay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyadoona Qalabkan Taliska ayka Caawin doonto in ay u Fududaato Shaqooyinka ay Hayaan .

Xiriiriyaha Tika Mr. Galip Yilmaz ayaa Qalabkanku wareejiyay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareyo Guuto C/kariim Cali Afrax iyadoona GoobtaQalabkan lagula kala Wareegayey ay Goob joog ahaayeen Saraakiil Ciidanka Asluubta ka tirsan oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta S/Guuto Cilmi Waasuge Coloow iyo Masuuliyiin Shirkadda Tika ee Turkiga ka socday .

Mr Galip Yilmaz Xiriiriyaha Tika ayaa Sheegay in ay sii wadi doonaan Taagerada Noocan oo kale ah oo ay siinayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaana uu Xusay in Qalabkan Maanta ay ku Wareejiyeen Ciidanka Asluubta uu Hordhac u yahay Qorshayaasha ay ku taageerayaan Ciidanka iyo Maxaabiista Xabsiyada Dalka ku xiran .

S/Guuto Cabdi Kariim Cali Afrax Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay uga Mahad celinayaan Deeqdan Qalab Xafiiseedka ah oo ay Maanta Ku Wareejiyeen Ciidanka isagoona Tilmaamay in Turkiga ay yihiin Dowladda kaliyaeeMar walbo Taageero dhinacyo Walbo ah siisa Soomaaliya Taasina ay Cadeeneyso Xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dalka ka dhaxeeya Iminka .

Turkiga ayaa waxa ay ka mid yahay Dowladaha Xiriirka Dhow la ah Soomaaliya waxaana lagu Xasuustaa in Soomaaliya ay u soo Gurmadeen iyadoo ay ka jirto Abaar Daran Islamarkaana Caalamka uu ka aaminsanaa Goob qatar badan oo aan la tagi karin .

13256189_502692513247827_7171451605708605949_n

13254323_502692403247838_2307057688797278058_n

13260246_502692586581153_5934561737695129284_n

13230130_502692336581178_8481496102047229538_n

1936243_502692309914514_3740079323064270248_n


Xafiiska Qeybta Warfaafinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip