Ciidamada nabad Sugidda Qaranka oo wada Dar dar xoogan oo amaanka lagu xaqiijinayo Habeen & maalin.

0
Monday May 04, 2015 - 11:28:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada nabad Sugidda Qaranka oo wada Dar dar xoogan oo amaanka lagu xaqiijinayo Habeen & maalin.

    Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa howlgallo balaaran waxay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir haalkaas oo ay ka soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa howlgallo balaaran waxay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir haalkaas oo ay ka soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab. Howlgalkan oo ah mid joogto ah waxa ay ciidamad Nabad Sugidda ka fuliyeen xaafadaha degmooyinka Warta Nabadda, Howlwadaag iyo Hodan, kaasi oo bilowday 2-dii habeennimo, iyadoo ciidamada wada jirka ah ay mid mid u baarayeen guryo bartilmaameed u ahaa iyo meelo kale, halkaasi oo laga soo qab qabtay dad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo howlgalka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa sidii loo u gaarsan lahaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qaar ka mid ah xaafada degmooyinka Gobolka Banaadir.


"Sida aad u jeedaan howlgalkan waxaa iska kaashanaya, ciidamada Booliska, Nabadsugidda, Militeriga waa howlgal loo dhanyahay, waxaana uu yahay mid lagu xaqiijinayo Nabadgelyada caasimadda, baaritaannada intii uu socday 473 qof ayaa lagu soo qabtay, markii dadka lakala saaaray, waxaa soo hartay lix qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda UGUS, ciidamada ayaana gacanta ku haya” ayuu yiri Afhayeenka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip