Taariikh Nololeedkii Alaha Unaxariistee Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya Xuseen C/raxmaan

0
Monday May 16, 2016 - 20:25:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Alaha Unaxariistee Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya Xuseen C/raxmaan

    Alle ha u naxariisto, Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan oo ku Magac dheeraa (Xuseen Mataan) oo ahaa wasiirkii Gashaandhiga ee Dowladii Soomaaliya 1989-1991-kii ayaa ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariisto, Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan oo ku Magac dheeraa (Xuseen Mataan) oo ahaa wasiirkii Gashaandhiga ee Dowladii Soomaaliya 1989-1991-kii ayaa ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka.

Xuseen Mataan, wuxuu ku dhashay Magaalada Awaare Sanadkii 1941-dii. Isaga oo yar ayuu u wareegay Magaalada Muqdisho, wuxuuna halkaas ka billaabay waxbarashadii Dugsia Dhexe/Sare.

Markii uu dhameeyay waxbarashada dugsiga sare wuxuu Macallin iyo Maamule ka noqday Dugsigii Hawlwadaag.

1965-kii, wuxuu waxbarasho Jaamacadeed ka helay Dalka Ciraaq, isagoo ka qalin jabiyay Baqdad university Kulliyadda Sharciga 1969-kii.

1970-kii, Wuxuu dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho, isagoo loo magacaabay Madaxii Maxkamadda Saree ee Gobolka Banaadir.

1974-1975-kii, wuxuu noqday Madaxii Maxkamadda Saree ee Gobolada Mudug iyo Galguduud

1976-1977-dii, wuxuu noqday Gudmoomiyaha Gobolka Sanaag.

1978-1988-dii, wuxuu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

1989-1990-kii, waxaa loo Magacaabay wasiirkii Gaashaandhhiga ee Soomaaliya, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay oo Rayad (Shacab) ah oo jagagadaas qabta tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Mileterigu October 1969-kii. Waxaana loo magacaabay inuu dhexdhexaadiyo Dowladda iyo Ururadii Mucraaradka ahaa ee ka soo horjeeday.

1990-kii, wasiirkii wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka

Alle ha u naxariiste, markii ay burburtay Dowladii Soomaaliya, wadankuna galay Dagaalka sokeeye, wuxuu u soo guuray dalka Maraykanka gaar ahaana Gobolka Minnesota ( Minneapolis).

Wuxuu ahaa nin kaalin weyn ku leh Bulshada dhexdeeda, isaga oo ahaa nin u ololeeya nabadda

Dadka ku nool Minneapolis, waxay ku xusuustaan isaga oo ahaa nin Safka hore kaga tukada Masaajidda.

May15, 2016, Abaaro 12.30amayuu ku geeriyooday Isbitaalka Abbott Northwestern Hospital.

Wuxuu ifka kaga tagay6 Caruur ah oo isugu jira 3 Wiil iyo 3 gabdhood iyo hal Xaas.

Marxuumka, Barri ayaa lagu aasi doonaa Qubuuraha Muslimiinta ee Magaalada Minneapolis hadii Alle idmo.

Waxaa Diyaariyay Taariikhda Marxuumka

Tifaftiraha Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Cumar Maxamed Kylmiye

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip