Saldhigii Kooxda Al-shabaab ay ku baadi jireen dadka ku dhaqan Awdheegle oo la Burburiyay

0
Monday May 16, 2016 - 14:03:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigii Kooxda Al-shabaab ay ku baadi jireen dadka ku dhaqan Awdheegle oo la Burburiyay

    Wararka ka imaanaya degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saaka uu ka dhacay Dagaal Culus oo ay barbar socoto Duqeyn ay geysanayaan Diyaarado Dagaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saaka uu ka dhacay Dagaal Culus oo ay barbar socoto Duqeyn ay geysanayaan Diyaarado Dagaal.

Aw-dheegle iyo Bariirre oo ka wada tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay weerar ku qaadeen deegaanada Bariirre iyo Aw-dheegle oo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda al-shabaab.


Saraakiil ka tirsan taliska Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa oo la Hadley idaacada ciidamada qalabka sida u sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM ay howlgallo qorsheysan ku qaadeen deegaanadaasi kuna bur buriyay saldhigyo lagu baadi jirey dadka shacabka

 

Waxaana goobta lagu diley horjogayaal sare iyo maleyshiyaad ka tirsan kooxda al-shabaab iyagoo sidoo kalane sheegay in ay soo furteen maxaabiis u xirneyd kooxda al-shabaab.



Taliska Xoogga dalka ayaa hore u sheegay in ay xoojiyeen weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda al-shabaab, iyagoo xusay in marka uu soo dhamaado howlgalka maanta la qaaday ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalladaasi.


Maleyshiyada kooxda Al-shabaab ayaa hore warero qorsheysan ku qaadi jirey xarumaha ciidamada balse ciidamada ayaa hada ku qaada wareero xooggan oo mudooyinkaan dambe lagu xasuuqayay kooxda al-shabaab 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip