Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u Hambalyeeyey Dhalinyarada Soomaaliyeed

0
Sunday May 15, 2016 - 15:37:06 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u Hambalyeeyey Dhalinyarada Soomaaliyeed

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Hambalyo ku aadan 15 May Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray Dhamaan Dhalinyarada waxaana uu sheegay in Maalintan ay tahay mid ku weyn Quluubta Muwaadiniinta Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Hambalyo ku aadan 15 May Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray Dhamaan Dhalinyarada waxaana uu sheegay in Maalintan ay tahay mid ku weyn Quluubta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayna leedahay Maamuus Gooni u ah .


waxa uu Taliyaha sheegay in Magaca dhalinyarada la isku dayey in la xumeeyo oo loo Adeegsado waxyaabo qaldan oo Qarbudaad iyo Caqiido Dil ku saleysan ku saabsan isagoona Dhalinyarada uga digay in Kooxaha Argagixsada ah aysan u Adeegsan Waxyaabaha Qaranimada Dalkeena ka horimaanayo.


Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyey Muhiimada qaranka ay u leedahay 15 May Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaana uu Tilmaamay in Xoriyada Maanta aan heysano ay Dad Naftooda u horeyn .



"Waxaan guud ahaan Hambalyo udireynaa Shacabka Soomaaliyed gaar ahaan Dhalinyarta Xuska Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed 15 MAY Owgeed .

15 May 1943 waa markii lasameeyay Ururkii SYL oo aad ogtihiin dalkeena heerka ay soo gaarsiiyeen iyo Soomaalinimo jaceylkii ay abuureen, Dhamaantood waa ay geeriyoodeen Allaha uwada naxariisto anagana waxaa nalaga rabaa inaan ku dayano oo jidkoodii raacno si aan dalka ugu sii horseedno Qaranimada Soomaaliya Hanoolaatoā€¯ Ayuu yiri Gen Bashiir .

Xafiiska Qeybta Warfaafinta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Mogadishu-Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip