Xukumada Soomaaliya oo sheegtey in aan la askareen Caruurta yar yar

0
Wednesday May 11, 2016 - 15:58:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Soomaaliya oo sheegtey in aan la askareen Caruurta yar yar

    Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga walwalsan tahay sheegashada caruurta da'da yar ee ah in xuquuqdooda aas'aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war lagu daabacay wargeyska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga walwalsan tahay sheegashada caruurta da'da yar ee ah in xuquuqdooda aas'aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war lagu daabacay wargeyska The Washington Post , 7-da May 2016.

Annaga oo ka mid ah dowladaha saxiixay cahdiga Qaramada Midoobey ee xuquuqda caruurta , arrintaas waxa aan u eegi doonnaa si rasmi ah, sheegashooyinkaasi waxaa baari doona hey’adaha qaranka ee u xilsaaran, waxaanan soo saari doonnaa warbixin waqtiga ugu dhow ee suuragalka ah,iyadoo la qaadayo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adeegsaneysaa qaabab kala duwan oo sharci ah dagaalkeeda guusha leh ee dhanka milatari iyo midka fikir ee ka dhanka ah argagixisada. Al shabaab waxaa ku tiirsan tahay mayal adayg iyo ciidammeynta caruurta si ay u fuliso rabshadaheeda fuleynimo ee ka dhanka ah dadka raidka ah ee Soomaaliya iyo waddamada deriska ah. Mid ka mid hababka ay dowladdu u maareyso arrinkani ayaa ah dhaqan celinta , waxaana ka dhab ah inay taageerto da’yarta ka fallaagowday, kana goosatay kooxdii ay ka tirsanaayeen si mar kale dib loogu dhex milo shacabka, ayna u noolaadaan nolol macna leh oo ka fog xadgudub iyo argagaxiso.

Xukuumadda Soomaaliya iyo dhammaan hey’adaheeda waxa ay leeyihiin sharci adag oo wax ilaaliya , iskaba daa in lagu xadgudbo xuquuqda aas’aasiga ee dhammaan muwaadiniinta , si gaar ah kuwa aadka u tabarta daran sida caruurta.
Xukuumadda Soomaaliya waxa ay tixgelineysaa dhammaan dhalinteeda da’da yar , waxaana ka go’an inay wanaajiso

noloshooda si ay ugu suuragasho ka qeyb-qaadashada iyo ka faa’ideysiga horumarka iyo horusocodka ummaddooda. iyadoo taasi ay jirto, waa arrin aad looga xumaado waqtigan adag oo argagaxisadu iyo rabshaduhu ka jiraan dunida daafaheeda , caruurtu waa kooxda ugu horeysa ee dhibanayaasha ah oo waajib ay tahay in si degdeg ah oo dhammeystiran ay u taageeraan dowladaha iyo kuwa bah-wadaagga la ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si dhow ula shaqeyneysaa dhammaan ururada arrinkan ku shaqada leh si sare loogu qaado wacyi-gelinta ku saabsan xuquuqda carruurta iyo dhaqan-gelinta xaqqooda. Tani waxa ay sii xoojin doontaa ambaqaadka lagu xaqiijinayo yididiiladeena qaranka, loogana dhabeynayo horumarka guud ee joogtada ah.

▪ Dhammaad –




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip