ciidamada Amaanka oo Gacanta ku dhigey gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa

0
Tuesday May 10, 2016 - 10:41:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ciidamada Amaanka oo Gacanta ku dhigey gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa

    Ciidanka ayaa qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah eek u nool magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka ayaa qabtay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah eek u nool magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in gaarigaan ay qabteen ciidanka amaanka, wuxuuna sheegay in lagu qabtay Isgoyska Sayidka.

Gaarigaan oo ay ku xirnaayeen Walxaha Qarxa ayaa la sheegay in la dhigay Isgoyska ka dibna laga tagay oo la doonayay in lagu laayo shacabka halkaasi ku sugan ama ku dhowaa, waxaana ogaaday ciidanka amaanka oo ka hortagay isla markaana qabtay gaarigaan.

Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in haatan baaritaano ay socdaan goor dhow warbaahinta loo soo bandhigi doono Gaarigaan ay qabteen ciidanka amaanka oo haatan lagu howlanyahay in Qaraxyada laga furo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadaysatay inay weeraro la beegsato goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah ayaga oo doonaya inay laayaan dadka Rayidka ah ee aanan waxba galabsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip