Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaawe qaadashada Kaararka Aqoonsiga(Sawiro)

0
Monday May 09, 2016 - 17:53:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaawe qaadashada Kaararka Aqoonsiga(Sawiro)

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay Munaasabad lagu daah-furayay qaadashada kaararka aqoonsiga, kaasoo lagu qabtay Xarunta aqalka dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay Munaasabad lagu daah-furayay qaadashada kaararka aqoonsiga, kaasoo lagu qabtay Xarunta aqalka dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, saraakiisha ciidanka iyo shaqaalaha maamulka gobolka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo furay xaflada ayaa noqday qofkii u horeeyay ee qaata kaarka aqoonsiga muwaadninimo.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay muhiim tahay in qof kasta oo muwaadin uu qaato, isagoo ugu baaqay shacabka inay qaataan kaararka aqoonsiga,Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka loo fududeynayo qaadashada kaararka aqoonsiga, isla markaana xarumaha degmooyinka laga qaadan doono kaararka aqoonsiga

Inkastoo Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ee uu hogaaminayay Maxamed Axmed Tarsan uu bilaabay qaadashada kaararka aqoonsiga, iyadoo xilligaas dadka ay dhibaato ku qabeen helista kaararka aqoonsiga oo hal xarun laga bixinayay, taasoo keentay in sanadkii 2014 dood ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ay gebi ahaanba ku joojiyaan qaadashada kaararka aqoonsiga, inkastoo markii dambe la bilaabay.

Lama oga sababta keentay in mar kale qofka muwaadinka loogu baaqo inuu qaato kaarka aqoonsiga, iyadoo ay jireen dad horay u qaatay kaararka aqoonsiga, kuwaasoo aan kala cadeyn inay kaararkooda heysanayaan iyo in mid cusub qaadanayaan.

kaarka-aqoonsi (1)kaarka-aqoonsi (2)kaarka-aqoonsi (3)kaarka-aqoonsi (4)kaarka-aqoonsi (5)kaarka-aqoonsi (6)kaarka-aqoonsi (7)kaarka-aqoonsi (8)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip