Madaxweynaha iyo Reysal wasaraaha Dalka oo Muqdisho kula kulmay xubno ka Socdey Dowlada Mareykanka (Sawirro)

0
Monday May 09, 2016 - 17:53:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha iyo Reysal wasaraaha Dalka oo Muqdisho kula kulmay xubno ka Socdey Dowlada Mareykanka (Sawirro)

    Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykankaoo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykankaoo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka 2016, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.

Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda mareykanka ee arrimaha Soomaaliya , ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku tilmaamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wafdiga Mareykanka Kala hadley dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka ay uga go’an tahay in bisha August ay Soomaaliya yeelato baarlamaan cusub, haatanna baarlamaanka uu ka shaqeynayo sharciyadda nidaamka doorashooyinka ee 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa Mareykanka uga mahad celiyay taageerada iyo iskaashiga wanaagsan ee ay Soomaaliya la leedahay.

unnamed-7unnamed-8unnamed-9unnamed-10





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip