Wasiir Maareeye: "Waxaan qorsheynay in aan diyaarino habka lagu horumarin karo Warbaahinta Soomaaliya"

0
Monday May 04, 2015 - 09:22:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maareeye: "Waxaan qorsheynay in aan diyaarino habka lagu horumarin karo Warbaahinta Soomaaliya"

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilmaamay in qorshe howleedka Wasaaradda ay ka midtahay diyaarinta qorsho tifaftiran oo lagu horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tilmaamay in qorshe howleedka Wasaaradda ay ka midtahay diyaarinta qorsho tifaftiran oo lagu horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya.

Wasiirka oo ka hadlayay xuska maalinta xoriyadda Saxaafadda Caalamka ee 3-da May ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso horumarinta Warbaahinta dowladda iyo tan sida gaarka ah loo leeyahay, isla markaana si wada jir ah looga qeyb qaato dib u dhiska dalka.

"Qorshaha Wasaaradda waxaa ka mid ah in aan xiriir wanaagsan la yeelano warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay, in aan is fahamsiino hay’adaha amniga iyo Warbaahinta xiriirka ka dhexeeya, quburada ka socda dalka Finland ee martida noo ah, waxa ay idin bari doonaan habka ay hay’adahooda amniga ah iyo Warbaahinta Finland u wada shaqeeyaan, waana tallaabo muhiim ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa intaa ku daray: "Runtii dhismaha machadka suxufiyiinta in la sameeyo ayaa noo qorsheysan oo la aqoonsayahay, ayna ka soo baxaan suxufiyiin xirfad sare u leh mihnadda saxaafadda, sidoo tababarka suxufiyiinta ayaa noo diyaarsan oo dalal badan oo caalamka ah ay inoo balan qaadeen, waxaana tababarka ka faa’iideysan doono suxufiyiinta Warbaahinta dowladda iyo kuwa kale ee Warbaahinta madaxa banaan ka howlgalla, waxaan kaloo rabnaa in aan sameyno qorshe lagu horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip