Dhaawacayada Askartii ku Waxyeeloobay Sh.dhexe oo Baaris Caafimaad lagu sameynayo (Sawirro)

0
Monday May 09, 2016 - 13:49:33 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaawacayada Askartii ku Waxyeeloobay Sh.dhexe oo Baaris Caafimaad lagu sameynayo (Sawirro)

    Qaar kamid ah saraakiisha iyo askarta ka tirsan qeybta 12 April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qabay xanuuno iyo dhaawacyo horey u soo gaaray ayaa maanta loo sameeyaya baaritaano caafimaad, is loo ogaado in xanuunadooda gudaha dalka lagu da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah saraakiisha iyo askarta ka tirsan qeybta 12 April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qabay xanuuno iyo dhaawacyo horey u soo gaaray ayaa maanta loo sameeyaya baaritaano caafimaad, is loo ogaado in xanuunadooda gudaha dalka lagu dabiibi karo iyo haddii ay jiraan kuwo u baahan in adeegyo caafimaad dibadda loogu qaado.

Janaraal C/laahi Axmed Buraale,oo ah abaanduulaha qeybta 12 April, ayaa taliska ka codsaday in adeegyada caafimaad ee loo sameynaayo ciidanka la joogteeyo maadaama ay howlgalo amniga xaqiijin ah ay askarta ku jiraan.

"Waxaan ugu tallagalnay in caafimaadka qeybta 12 April wixii jiran ay maanta ka qaadaan (exam) baaritaano waxaa suurtagashay ilaahbaa iska leh Xamdigaas,” ayuu yiri Buraale.

Madaxa hogaanka caafimaadka, Korneel Libaan Xusee Cismaan, ayaa sheegay in awaamiirta adeegyada caafimaadka lagu gaarsiinaayo askar uu bixiyay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeda isla markaana dhammaan hogaanada taliska sida oo kale loo gaarsiin doono adeega caafimaad.

Tallaabadan ayaa dhiirigelin u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo ku soo aaday xilliga ay ku guda jiraan howlgalo dalka looga sifeysnayo maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

IMG_4319IMG_4321IMG_4330IMG_4335IMG_4346IMG_4356IMG_4361IMG_4385IMG_4406IMG_4421IMG_4433IMG_4446IMG_4459IMG_4464

 

 

 

 

 

 

 

Somali National Army Radio 

Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip