Ciidamada Amaanka oo fashiliyay werer loola damcasanaa Xarunta visha Taraafiko+Sawiro

0
Monday May 09, 2016 - 12:40:22 in Wararka by
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amaanka oo fashiliyay werer loola damcasanaa Xarunta visha Taraafiko+Sawiro

    Qof naftii haliga ah ayaa isku qarxiyay afafka hore xarunta ciidanka nabad galyada wadooyinka ee Taraafikada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof naftii haliga ah ayaa isku qarxiyay afafka hore xarunta ciidanka nabad galyada wadooyinka ee Taraafikada.

Inta la ogyahay 5-ruux ayaa ku geeriyootay Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fataax Xalane ayaa Warfidiyeenada u sheegay in Dadka geeriyooday ay ka mid yihiin 2-ruux oo la socday gaariga ay ka buuxeen walxaha qarxa, laba ka tirsan ciidanka boliiska iyo qof rayid ah.

Sidoo kale Dadka geeriyooday waxaa ku jiray kuwo shacab ah oo marayay waddada xilliga uu Qaraxa dhacayay, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray 8-qof oo rayid u badan.

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu galo xarunta Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Fiisha Taraafiko oo ku taalada Degmada Shangaani, hayeeshee Ciidanka ammaanka ayaa ka hortagay.

Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Dowladda iyo waliba Ciidamo badan, kuwaasi oo adkeeyay ammaanka goobta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caadeestay weerarada nuucaan oo kale ah oo markasta ay fashiliyaan Ciidanka ammaanka.




20160509_081922-640x38520160509_081916-640x38520160509_081734-640x38520160509_081721-640x38520160509_081709-640x38520160509_081643-640x38520160509_081641-640x385

Qaraxa kadib ayaa qof hubeysan oo doonayay inuu gudaha u galo ayaa waxaa toogtay ilaaladii ku sugneyd Xarunta Taraafikada ee degmada Shingaani.

Guddoomiyaha degmada Shingaani ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada ilaalada wadooyinka iyo labadii ruux ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay sideed ruux, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah oo goobta qaraxa ka dhacay ku lahaa goobo ganacsi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip