Qalab loogu talagay in lagu ilaaliyo hawada Soomaaliya oo muqdisho lasoo Gaarsiiyay

0
Saturday May 07, 2016 - 17:39:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalab loogu talagay in lagu ilaaliyo hawada Soomaaliya oo muqdisho lasoo Gaarsiiyay

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay qeybtii ugu horeysay ee kamid ah qalabka lagu maamuli doono Hawada Somaaliya ,iyadoo arintan ay qeyb ka tahay dadaalada lagu doonayo in Maamulka Hawada Somaaliya loogsoo wareejiyo Magaalada Nairobi isl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay qeybtii ugu horeysay ee kamid ah qalabka lagu maamuli doono Hawada Somaaliya ,iyadoo arintan ay qeyb ka tahay dadaalada lagu doonayo in Maamulka Hawada Somaaliya loogsoo wareejiyo Magaalada Nairobi islamarkaana loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Safiirka Somaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo lasocday Diyaaradii keentay qalabka loogu talagalay mamaulka hawada Somaaliya ayaa mar uu warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha Garoonka Diyaaradaha waxa uu kawarbixiyay inta uu ka kooban yahay qalabkan.

Sidookale Ambaasador Jamaal ayaa xusay in qalabkan lasoo gaarsiiyay Muqdisho uu muhiimad weyn u leeyahay Somaaliya maadaama Dowladdu ay dadaal ugu jirto inay soo ceshato maamulka hawada Somaaliya

ugu dmabeyn Safiirka Somaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in si dhaqso ah loosoo dhameystirayo qalabkan loogu talagalay Maamulka Hawada Somaaliya isagoona xusay inay arintaasi xooga saari doonaan

Dowladda Somaaliya ayaa mudooyinkii dambe dadaal ugu jirtay sidii ay usoo ecshan laheyd Maamulka Hawada Somaaliya oo mudadii dalku kujiray burburka laga xukumayay Magaalada Narobi waxaana la filayaa in dhawaan maamulka Hawada Somaaliya si rasmi ah loogusoo wareejiyo magaalada Muqdisho iyadoo maantana qweybtii ugu horeysay ee qalabka Maamulka Hawada lasoo gaarsiiyay caasimada dalka ee Muqdisho….




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip