Shacabka Muqdisho oo Taageeray Howlgalada ka socda Gobolka shabellaha Dhaxe+Sawiro

0
Saturday May 07, 2016 - 15:25:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Muqdisho oo Taageeray Howlgalada ka socda Gobolka shabellaha Dhaxe+Sawiro

    Boqalaal Dadweynaha ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho, isla markana ku labisan dareeska Calanka Jamuuriyadda ayaa waxaa ay isugu yimaaden Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere, iyagoo gacma ku wata boorar waxaana banaan baxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqalaal Dadweynaha ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho, isla markana ku labisan dareeska Calanka Jamuuriyadda ayaa waxaa ay isugu yimaaden Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere, iyagoo gacma ku wata boorar waxaana banaan baxaani ujeedkiisu uu ahaay taageerida is badalka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ku sameeyay garsoorka dalka, sidoo kale waxaa lagu taageeraayay Guulaha ay Ciidmada qalabka sida Soomaaliya ka gaaren howlgalada gobalada dalka looga xoreynayo UGUS gaar ahaan Gobalka Shabeelaha Dhaxe.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenada Gobalka, Saraakisha Ciidamada qalabka Sida, Guddoomiyaasha degmooyinka ururada Dhallinyarada Fanaanin, Ururada Haweenka Qaranka iyo kan Gobalka Banaadir ayaa ka qeyb galay banaan baxa.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan ayaasheegay in ujeedka banaan baxa uuyahay mid lagu taageerayo guulaha ciidanka iyo go’aankii uu Madaxweynaha dalka uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare iyo guddoomiyihii racfaanka maxkamadda gobolka Benaadir.

Ururada Haweenka Qaranka iyo Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Canab Xasan Cilmi ayaa ugu baaqay Bulshada Bulshada caasimada kunool in ay u midoobaan nabadeynta iyo horumarka magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo Amniga ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yaboohayaa dadkii isu soo baxay uga mahadceliyay sida ay ugu dhiiradeen inay isu yimaadaan oo ay taageeraan guulaha ciidanka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale madaale oo Banaanbaxa ka qeyb galay ayaa u hambalyeey Ciidamada Xooga Dalka guulaha ay kasoo hooyaan dagaalka lagula jiro argagixisada ee ka socdo gobollada Dalka.

Sidoo kale Duqa magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay is badalka uu Madaxweynaha ku sameeyay garsoorka iyo sida ay u aqbaleen Mas’uuliyinta la badalay.

Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOMayaa dhawaan deegaanno ku yaala Gobalka Shabaalaha Dhaxe waxay ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo horey dhibaato ugu haayay shacabka halkaasi ku dhaqan.

113061931_1709688385936580_6809249217309141382_n13095899_1709687912603294_6092690803859884631_n13103361_1709688535936565_4483731395912320023_n13119064_1709688612603224_8667509528660021016_n13124620_1709688142603271_7959808247401138432_n13124636_1709688282603257_9015359401552222757_n13124830_1709688309269921_249093773785203106_n13124891_1709688109269941_1434045281712117817_n13124915_1709688965936522_4887270518369862635_n13133379_1709688785936540_4849487332063002542_n13139197_1709688919269860_5969736606336795506_n13164261_1709688449269907_6281063770156138925_n13173656_1709687305936688_7631727374837403189_n (1)13173700_1709688492603236_7995883095159356488_n13177268_1709688652603220_6166184583720529138_n13177454_1709687959269956_6238177811736589711_n13177716_1709688052603280_1610523237727286396_n13178718_1709687902603295_7414619408107086954_n13178818_1709687242603361_2036326193317607555_n13178994_1709687879269964_2365263771902193609_n13179081_1709687989269953_2180660351957503007_n

Sawir Qaade:- Jabiiba



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip