Madaxweyne Xasan Sheekh "Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey'adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub"

0
Wednesday May 04, 2016 - 18:04:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh "Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey'adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub"

    Muqdisho- 04 May 4, 2016-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ee uu madaxweynahu magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho- 04 May 4, 2016-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ee uu madaxweynahu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare ee dalk Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday xarunta madaxtooyadda, ayaa waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Madaxweynaha Jamhuriyaddaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey xafladda dhaarinta ayaa faray dhammaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

"Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan ” ayuu yiri Madaxweynaha .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane |Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip