Kulan Amniga Muqdisho looga hadlayay oo maanta la qabtay

0
Sunday May 03, 2015 - 17:11:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Amniga Muqdisho looga hadlayay oo maanta la qabtay

    Kulankaguddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab" ku xigeenaddiisa ,ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaguddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab" ku xigeenaddiisa ,taliyaha qeybta Boliiska ee magaaladda Muqdishoiyo mas'uuliyin kale oo ka tirsan maamulka.

Saraakiish ciidanka Booliska iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa warbaxino looga dhagaystay kulanka kuwaas oo ku saabsan Amaanka Caasimdda dalka ee Muqdisho iyo howlaha adeegyada bulshada ee degmooyinka.

Xasan Maxamed Xuseen "Muungaabā€¯ oo ah guddoomiayha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa amaanay saraakiish Booliska Soomaaliyeed sida ay xil isaga saareen xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaaax Cumar Xalane oo kulanka ka diba la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saaray adkeynta amaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.

Mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay soo celinta bilicda magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed eek u nool gobolka Banaadir in ay qeyb ka qaataan dhowrista magaalada Muqdisho.

_MG_8383_MG_8414_MG_8429_MG_8438_MG_8439




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip