Guddoomiye Ali Guudlaawe:Al-shabaab Walagu Xasuuqey Gobolka Shabellaha Dhexe

0
Tuesday May 03, 2016 - 15:43:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ali Guudlaawe:Al-shabaab Walagu Xasuuqey Gobolka Shabellaha Dhexe

    Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ka hadlay howlgalka ka dhanka Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay inuu socdo wejigii ugu dambeeyay ee howlgallo lagu cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ka hadlay howlgalka ka dhanka Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay inuu socdo wejigii ugu dambeeyay ee howlgallo lagu cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Ruunirgood, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga ay ku dhiiradeen, iyagoo kaligood ah inay Al-Shabaab ka qabsadaan in ka badan 100 Km, ayna taasi muujinayso awoodda ciidanka xoogga, waxa uu intaa ku daray in Al-Shabaab laga ciribtirayo guud ahaan Shabeelaha Dhexe.

"Ciidanku waxaan ku bogaadinaya talaabada ay qaadaan si loo ciribtiro haraadiga Al-Shabaab, waxaan rajaynayaa meelaha yar yar ee ay ku dhuumanayaan si ay u dhibaateeyaan dadkana in dhawaan gacanta lagu dhigo, lagana sifeeyo Al-Shabaab dhamaan Gobolka waa laga xoreynayaa UGUS iyo guud ahaan Dalka” ayuu yiri Guddomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray ehelada geesiyaashii  Ciidanka Xoogga ee naftooda ku waayay, iyagoo difaacaya  Qaranka dagaalkii ka dhacay Ruun-Irgood, waxaana uu sheegay in saddex u jibaar ciidanka Xoogga ee shahiiday laga dilay Argagaxisada Nabad iyo Nolol diidka ah.

"Waxaan leeyahay ciidanka xoogga waxaa tihiin geesiyaal u dhintay, iyagoo Qarankooda Difaacaya Nabadiidku waa ay sii daciifayaan  waxaana ay ku dhimayaan wada qaldan oo aan ujeeda laheen saddex u jibaar inta Ciidanka Xoogga ka shiiday oo qaarkooda u dhinta ayaa laga dilay Al-Shabaab, waana ay jabeen Argagaxisadu” ayuu yiri Guddoomiye Guudlaawe.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe waxa uu imaanaya, Iyada oo uu socda howlgal balaaran oo Nabad Diidka Al-Shabaab looga sifeynayo Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip