Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka iyo Abaan duulaha oo ka qeyb qadanaya howlgalka ka socda Gobolka Shabellaha dhaxe''Dhageyso''

0
Tuesday May 03, 2016 - 14:41:06 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka iyo Abaan duulaha oo ka qeyb qadanaya howlgalka ka socda Gobolka Shabellaha dhaxe''Dhageyso''

    Ciidamada Xooga dalka soomaaliye oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Ahmed iyo Abaan duulaha xooga dalka Generaal Ali Baashi Xaaji Maxamed ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka wada degaanka runigood e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xooga dalka soomaaliye oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Ahmed iyo Abaan duulaha xooga dalka Generaal Ali Baashi Xaaji Maxamed ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka wada degaanka runigood ee gobolka shabellaha dhexe.

Taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa shalay ka amba baxay magaalada muqdisho iyagoona gaarey degaanada ay ka socdaan howlgalada lagu baacsanayo maleyshiyada Kooxda al-shabaab.

Howgalka ayaa waxaa ka qeyb qadanaya ciidamada xooga dalka noocyadooda kala duwan waxaana suurta gasheyin gacanta lagu soo dhigo maleyshiyaad ka tirsan Kooxda al-shabaab oo ku dhuumaleysanayay dhulka hoodka

Taliyaha qeybta 12 April S/Guuto Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha hor kacaysa howlgalka lagu ciribtirayo maleyshiyada al-shabaab ayaa sheegey In ciidamada xooga dalka ay howlgal amni xaqiijin ah ay ka wadaan degaanka runigood

Generaal maxamed maxamuud saney ayaa sidoo kale waxa uu sheegey Kooxda al-shabaab ay hada awoodeyda ay wiiqantey waxa uuna xusey in ay ka dileen maleyshiyaad kuwane ay gacanta ku hayaan

Ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa dhiira galin waxa ay ka helayaan masuuliyiinta sare ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed maadama ay si kal iyo lab leh ay ugu qeyb qadanayaan howlgalka lagu cirib tirayo al-shabaab  waxaana jiidaha hore ee howlgalada kasocdaan ku sugan taliyaha ciidanka xooga dalka iyo abaan duullaha xooga dalka saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka qaranka 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip