Kumaandooska Xooga Dalka oo burburiyay Xarun ay ku tababartaan Daacishta Soomaaliya

0
Tuesday May 03, 2016 - 13:20:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Xooga Dalka oo burburiyay Xarun ay ku tababartaan Daacishta Soomaaliya

    Wararka laga helaayo deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandoosta Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gabi ahaanba bur-buriyeen saldhig lagu tababaro maleyshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee dagaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helaayo deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandoosta Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gabi ahaanba bur-buriyeen saldhig lagu tababaro maleyshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee dagaalada cusub ka bilaawday gudaha Soomaaliya.

Sargaal ka tirsan Taliska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Magaciisa Ka gaabsaday ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen bur burinta xarumo dhowr ah oo lagu tababari jiray Daacishta cusub ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in haatan ay ku baadi joogaan horjoogayaasha kooxdaas ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sargaalkaasi waxa uu intaa ku daray in ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad ay soo qabqabteen iyagoo sidoo kale soo uruuriyay Meydadka horjoogayaal Ajaanib ah kuwaas oo uu xusay in dhawaan la soo bandhigi doono.

Tan iyo markii laga itaal roonaaday nabad diidka Al-shabaab ayaa waxa ay bilaabeen in ay badashaan magaca, taas oo Qaarkood ku qasabtay in ay ku biireen kooxda Daacish, si ay u sii wadaan gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA Waxa ay u ballanqaadeysaa in Akhristayaasheeda ay u soo gudbin doonto Sawirro muujinaya sida howlgalkaasi uu u dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip