Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabadda 1-da May "SAWIRRO"

0
Monday May 02, 2016 - 06:06:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabadda 1-da May "SAWIRRO"

    Muqdisho-1-da May 2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degeyey 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-1-da May 2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degeyey 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey maalinta shaqaalaha adduunka dhammaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

"Maanta waxa aan u dabaal dageynaa maalintii shaqaalaha ee 1da May,
waxa aan hambalyeyneynaa shaqaalo weynaha adduunka gaar ahaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, oo aan sharfeynaa ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee u taagan in ay dib u soo celiyaan Soomaalinimo iyo mustaqbal lahubo oo xor ah. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri " Shaqo kasta oo wax kubiirineysa mustaqbalkeenna waa mid qiime leh. ninka geedaha qora ee sameeya kursiga aan ku fariisanno, macallinka ku fariista kursigaas oo wax bara caruurteenna, aabaha dukaanka iibiya si ay ubadkiisu iskuul u aadaan dhammaantood waxa ay hayaan shaqo qiimo leh, qiimahaas waxa uu ka imaanayaa hufnaanta shaqadaas loo qabto iyo waxtarka ay uleedahay dhisidda Soomaaliya oo sidan ka sii wanaagsanā€¯

Dhanka kale Madaxwyanaha ayaa xarigga ka jaray xarumaha Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo lagu dhisay baaqi ahaa DALKAAGA DHISO. Madaxwnaha ayaa ku ammaan u jeediyey Wasiirada iyo shaqaalaha wasaaradaha dib u dhiska ku sameyey xarunaha labada wasaarad.

Ugu dambentii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray wasiirada aanan ku shaqeyn xarumahooda inay ku deydaan wasaradaha dib u dhistay xarumahoodii iyo wasaaradaha iyana sidaan oo kale horrey xarumahooda dib u dhiska ugu sameystay.



12345789101112131415


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip