Gen Saneey "Waa Noolahay Cadowga Been ayuu iga baahiyey "(Dhageyso)

0
Sunday May 01, 2016 - 14:28:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gen Saneey "Waa Noolahay Cadowga Been ayuu iga baahiyey "(Dhageyso)

    Taliyaha Qeybta 12 April S/Guuto Maxamed Maxamuud Saneey oo la Hadley Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu beeniyay hadal been ah oo maanta ay Baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah kaasi oo ku aadanaa in uu uu Geeriyooday waxaana u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qeybta 12 April S/Guuto Maxamed Maxamuud Saneey oo la Hadley Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu beeniyay hadal been ah oo maanta ay Baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ah kaasi oo ku aadanaa in uu uu Geeriyooday waxaana uu sheegay Taliyaha in hadaladaasi aysan waxba ka jirin islamarkaana uu Nabad qabo .


 Warbaahintii Qortay ama Tabisay Geeridiisa ayuu u sheegay in aysan ku fududaan Wararka noocaan oo kale ah Bulshada dhageysaneysana ay u tabiyaan Warar sugan .


 S/guuto Maxamed Maxmuud Saneey Taliyaha qeybta 12ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhanka kale Faafaahin ka bixiyey Xaaladda Amaanka ee Deegaanadii 24kii saac ee lasoo dhaafay Ciidamada Xoogga ay ka xoreeyeen Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab waxaana uu tilmaamay in aysan jirin Wararka sheegaya in Nabad diidka ay dib ula wareegeen Deegaanadii laga saaray .



Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgallo Amniga lagu sugayo waxa ay ka wadaan Deegaanadii Shalay ay ka Xoreeyeen kooxda Nabad diidka ah ee Al Shabaab .


Somali National Army Radio 

Idaacadda Ciidamada Qalabka sida 

Mogadishu-Somalia 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip