Deg Deg :- Ragii ka dambeeyey Qaraxyadii Baydhabo oo Dil toogasho lagu xukumay

0
Saturday April 30, 2016 - 09:42:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg :- Ragii ka dambeeyey Qaraxyadii Baydhabo oo Dil toogasho lagu xukumay

    Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa Maanta Xukuno kala duwan ku riday ilaa Shan qof oo dambiyo kala duwan loo heysto kuwaasi oo afar ka tirsan ay ka dambeeyeen Qaraxyadii dadka badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa Maanta Xukuno kala duwan ku riday ilaa Shan qof oo dambiyo kala duwan loo heysto kuwaasi oo afar ka tirsan ay ka dambeeyeen Qaraxyadii dadka badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay .


Maxkamada ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay 3 kamid ah Maleeshiyadii ka dambeysay Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo iyadoona halka soo haray maxkamada ay ku xukuntay 3 sanno oo Xabsi ciidan ah .


sidoo kale Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa Xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya kaasi oo kol hore Qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay .


dhamaan Ragan Maxkmadda sare Ciidamada ay xukuntay ayaa waxa ay Racfaan ka qaateen Xukunkii Bishii Maarso ay ku riday Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee ahaa Dil toogasho

waxaana Goobta Maanta lagu xukumay shantan qof Goob joog ahaa Marka laga soo tago Gudoomiyaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Masuuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Baay .

 

Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed 


Somali National Army Radio 

Mogadishu-Somalia 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip