Reysal Wasaare Sharmaake oo Maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

0
Saturday April 30, 2016 - 09:04:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reysal Wasaare Sharmaake oo Maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

    Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo maanta kulan ku leh xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho waxaa hortagaya Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, si uu uga hadlayo hanaanka doorasho ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo maanta kulan ku leh xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho waxaa hortagaya Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, si uu uga hadlayo hanaanka doorasho ee dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud Habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka ee maanta uu hortagi doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Xildhibaannada u sharxaya hanaanka doorasho ee dalka.

"Hadal jeedinta Ra’iisul wasaaraha ee arrimaha doorashooyinka, Xildhibaannada nuqulo ka mid ah waxyaabaha uu Ra’iisul wasaaraha ka hadlayo waa la gaarsiiyay, hay’adaha dastuuriga ee dalka muddo kooban ayaa u hartay, waxaana uu ka hadlayaa qaabka ay doorashada u dhaceyso”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip