Al-shabaab oo lagala wareegeey Degaan Muhiim u ah

0
Friday April 29, 2016 - 12:02:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 848
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo lagala wareegeey Degaan Muhiim u ah

    Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka si buuxda ula wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud kaddib markii ay ka faramaroojiyeen maleeshiyaadki Shabaab ee dhibaatada ba'an ku hayay bulshoweynta ku nool degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka si buuxda ula wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud kaddib markii ay ka faramaroojiyeen maleeshiyaadki Shabaab ee dhibaatada ba'an ku hayay bulshoweynta ku nool degmadaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa saaka ka soo ruuqaansaday tuulada BudBud oo 30 Kiilo Mitir dhinaca galbeed uga toosan degmada Galcad, iyadoo ciidamadu ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degmada Galcad kaddib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadkii Shabaab.

Bulshaweynta ku nool degmada Galcad oo qaati ka taagnaa maleeshiyaadka Shabaab ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM, iyagoo isugu hambalyeeynaya neecowda gobanimo oo sideed sano kaddib ay heleen saaka.

Ciidamada ayaa baaritaano ka bilaabay xaafadaha ay ka koobantahay degmada Galcad, iyagoo dhinaca kalena fariisino ka sameystay duleeddada magaaladaasi, waxeyna ku sii raadjoogaan firxadka maleeshiyaadka Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip