S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamuud '''Waxaan ka shaqeyneynaa Horumarka Ciidanka Booliska Soomaaliya'''

0
Friday April 29, 2016 - 12:02:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamuud '''Waxaan ka shaqeyneynaa Horumarka Ciidanka Booliska Soomaaliya'''

    Munasabadaan lagu soo dhaweynayay Xubno kala socdey wasaaradaha amniga ee maamul goboleed yada ka jira gobolada dalka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socdey maamulka gobolka Banaadir taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Talaliye Xigeenka Labaad e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munasabadaan lagu soo dhaweynayay Xubno kala socdey wasaaradaha amniga ee maamul goboleed yada ka jira gobolada dalka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socdey maamulka gobolka Banaadir taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Talaliye Xigeenka Labaad ee Cidanka Boliska Somaliyeed iyo ururka haweenka gobolka Banaadir oo halkaasi ka balan qaaday in deeq xoolaha ah ay gaarsinayaan ciidanka tababarka uga socdo dugsiga tababarka General Kaahiye.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaari Baarqab oo munaasabadda ka hadashey ayaa tiri‘’Waxaan balan qaadeynaa in ciidanka ku jira dugsiga tababarka Generaal Kaahiye aan gaarsiidoono deeq xoola ah ah’’

Kusimaha Duqa magaalada Muqdisho ah Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed ahmed Diiriye Yabooh ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsey in ay la shaqeyaan ciidamada

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay la shaqeyaan ciidamada si nabad diidka guul looga gaaro hadaan la wada shaqeyeen guul lama gaarayo dal waxaa dhisa dadkiisa waxaana hamabalyo u diryaa ciidamada amaanka oo ku guulestey in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii wararey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka” ayuu yiri Ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir

S/Gaas Maxamed Sh Xasan Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegey in dugsiga ay ku jiraan noocyo kala duwan oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya Isagoona ka codsadey dhalinyarada Soomaaliyeed in ay iska dayaan tahriibka.

"dugsiga waxaa ku jira noocyo kala duwan oo ka tirsan ciidanka booliska waana ardey soo codsatey in ay ka mid noqdaan ciidank booliska dhalinyarada Soomaaliyeed ha iska dhafaan tahriibka ay aadayaan” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa tababar uso xerey sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya kuwaa oo mudo tababar ugu socdey mgaalada Muqdisho.

1216171821232632



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip