Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga

0
Sunday May 03, 2015 - 13:10:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga

    Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xerada gaadiidka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Waaberi halkaasoo uu tababar uga socdo askar ka tirsan ciidanka, kuwaasoo loo tababarayo wadista gawaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xerada gaadiidka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Waaberi halkaasoo uu tababar uga socdo askar ka tirsan ciidanka, kuwaasoo loo tababarayo wadista gawaaarida iyo farsamadooda.

Abaanduulaha ayaa ugu horeyn salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee tababarka u socda, waxaana uu intaa kaddib kormeer ku sameeyay fasalada ay casharada ku qaataan, iyagoo qaarkood warbixin kooban abaanduulaha ka siiyay sida ay wax u bartaan.

Madaxa hogaanka gaadiidka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Garabey ayaa sheegay in kormeerka abaanduulaha ay dhiira gelin u tahay ciidanka tababarka u socdo.

"Sharaf ayay noo tahay in abaanduulaha uu na soo booqdo, waxaan dareemeynaa in aan horumar sameyneyno, haddii ay ahaan lahayd xagga waxbarashada iyo xiriirka aan la leenahay shacabka, runtii tani waxa ay dhiiri gelin u tahay ciidanka tababarka qaadanaya” ayuu yiri Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Garabey.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in askarta uu tababarka u soconayo ay qeyb ka yihiin qorshaha diyaarinta iyo tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ay dowladda waddo.

"Halka aan soo booqanay waa xerada gaadiidka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan ugu talagalnay in lagu tababaro ciidankii wadi lahaa gaadiidka cusub ee nalagu deeqay, runtii waxaa kaloo ay baranayaan farsamada gaadiidka nuucyadooda kala duwan, waxaan u rajeynayaa inay ka soo bixi doonaan ciidan leh farsada gaadiidka” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka Xoogga.

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe waxa ay waday qorshayaal ay ku dooneyso in ay dib ugu howlgeliso xarumihii Wasaaradda ee magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka, taasoo qeyb ka ah hanaanka la doonayo in dib loogu soo celiyo awoodii iyo heybadii uu laa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip