Afhayeen C/kaamil '''waxaan Gacanta kusoo dhignay Ragii weerarey Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow'''

0
Thursday April 28, 2016 - 15:16:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeen C/kaamil '''waxaan Gacanta kusoo dhignay Ragii weerarey Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow'''

    Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuuamdda Soomaaliya ayaa sheegtay in la qabtay dad looga shakisan yahay weerarkii habeen hore lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho uu ka deganaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo lagu magacaabo Malaaq Aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuuamdda Soomaaliya ayaa sheegtay in la qabtay dad looga shakisan yahay weerarkii habeen hore lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho uu ka deganaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo lagu magacaabo Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, C/kaamil Macalin Shukr,i ayaa sheegay in hal ruux oo aad looga shakisan yahay loo soo qabtay weerarkaas, isla markaana uu ku socdo baaritaan, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo la baadigoobayo.

Waxaa uu sheegay in kooxihii weeraray guriga xildhibaanka ay wateen mooto bajaaj, kuna baxsadeen markii ay bambaano ay ku tuureen guriga, waxaana dhaawac ka soo gaaray afar ka mid ah ilaalada Xildhibaanka.

Dhinka kale laamaha ammaanka dowladda ayaa howl galadii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Muqdisho ku soo qabtay qof dhaawac ahaa oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip